Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Maa Shaa-Allah Wariye Caan Ka Ah Dalka Jarmalka Oo Qaatay Diinta Islaamka

Wednesday - August 26, 2009

Christian Baker waxay ka mid aheyd Wariyayaasha ugu Caansan Telefeeshinka “MTV” ee Heesaha Faafiya, wexayna soo shaac baxday Magaceeduna waxa uu ku faafay Qaarada Europe laakin tijaabadii "MTV" kumeysan Qancin Nolosheeda iyo Ruuxdeeda, waxay Qaadatay Diinta Islaamka arintaas oo Nolosheeda Bog Cusub u Furtay.

Waxay tiri Christian: waxaan Bilaabay inaan Baadi Goobo Jaceylka, laakin Markii aan Islaamka soo galay waxaan ogaaday inu iga maqnaa Jaceylka ugu Wanaagsan waana Jaceylka Allaah, kadib Markii aan Helay Jeceylkaasna waxaan Qaatay Diinta Islaamka waxaanan noqday Mid gudata Waajibaadkeeda Diineed anigoo ah Gabar Muslimad ah oo European ah.

Intaa kadib Baker waxaa Khasab ku noqotay inay wajahdo saxaafada German-ka ee ka hor yimid Islaamitaankeedii, waxay sidoo kale Muwaajaho iyo colaadin kala kulantay Saaxiibadeed iyo Qoyskii ay ka dhalatay laakin Waxaa ugu dambeyn si dhaqsa ah u Aqbalay Qaadashadeeda Islaamka Labada Waalid ee Dhalay.

Christian Baker ayaa hadalkeeeda sii raacisay: " Reerkeygu Maanta aad bey u Faraxsanyihiin kadib Markii aan ka Qeyb Galay Doodo Badan oo ku aadan Qaadashadeydii Diinta Islaamka hadana waxay ku Qanacsan yihiin in Islaamnimadu iga dhigtay Gabar aad ugu Xiran Daacada Alle, Qoyskeygu Wey ka faa’ideen Islaamitaankeyga hadana waa kaalinta koowaad ee Nolosheyda.

"From MTV to Maka" waa Buug ay soo saartay Baker oo ay kaga hadleyso isbadalka weyn ee ku yimid Nolosheeda oo ah inay horey u aheyd Gabar ku Caan baxday Mahrajaanada Heesaha iyo Xafladaha oo hadda noqotay Muslimad European ah... hadafka buuguna waa inay kula hadasho Aqristaha European-ka ah si ay ugu Cadeyso Waxbadan oo Islaamka ka mid ah oo ay Jaahil ka yihiin Reer Galbeedku.