Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Fadilat AL-Digtoor Sh. Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Jimcaha Oo Maanta Su'aal Muhim Ah ka Jawaabaya

Thursday - August 27, 2009

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, Mahad oo dhan waxey u ahaatay Allah, waa fadligiisa hadaan gudanay todobadii maalmood ee bisha barakeysan ugu horeysay inaga oo caafimaad qabna, Allow naga aqbal camalkeena wanaagsan, noo dembi dhaaf gefkeena, nasiib waxa leh qofkii gaara dhamaadka bishan Ramadan Allah ka aqbalo camalkiisa wanaagsan, dembigiisa la dhaafo Jannadana abaal looga dhigo.
 
Waxaan walaalaha ka codsanayaa in loo soo duceeyo walaal soomali ah kana mid ah soomalida ku nool magaalada Riyadh oo usbuucan si kedis ah madaxa dhiig uga furmay, hadana isbitaal yaala xaaladiisa caafimaad ay aad u daran tahay, ducada walaalka muslimka ah uu u duceeyo walaalkii isaga oo ka maqan waa la aqbalaa xaga Allah, waxaan Rabbi ka rajeynayaa inuu ku maneysto naxariistiisa, caafimaad deg deg ah uu siiyo, walaalkan sida aad arkeysaan uma suurto gelin inuu soomo ama salaad tukado inta uu xanuunsan yahay, maadaama uu ku jiro xaalad miyir beel ah, midaa waxey xusuusin u tahay inta caafimaad Allah siiyay si ay u badshaan mahada Allah, oo noo ballan qaaday hadii aan u mahad celino inuu noo kordhinayo naxariistiisa. Allow caafimaad sii bukaankeena iyo kuwa muslimiinta guud ahaan.
 
Waa su'aal?
Sidee buu u tukanayaa qofka lagu ibtileeyo hawo badan oo ka soo baxda (Dhuusada)?
Dadka waxa jira kuwo Allah ku ibtileeyay xanuun kaga dhaca xiidmaha balaaran, taa oo keenta in qofka hawo badan oo aad u qurmuun ay soo dhaafto, gaar ahaan marka qofku damco inuu salaad u istaago ama tukado kana jebisa weysada, midaa waxa ay ku beertaa qofka wiswaas badan iyo inuu ka shakiyo salaadiisa, marar qaarkood bukaanka waxa ay gaaraan iney ka shakiyaan mar alla markii ay wax qurmuun uriyaan in ay moodaan in isaga uu ka yimi, dadka sidaa ah waxa ay u badan tahay in sheydaanka uu ku abuuro wiswaas fara badan oo naftooda wax u dhima.