Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Fikirka Diin Iska Saarida Oo Caalamka Islaamka Ku Soo Badatay... Soomaali Ka Mid Tahay

Friday - August 28, 2009

Diinta ka saaridda qofka Muslimka ah ma ahan mid ugub ku ah umadda Islaamka, balse waxay inteeda badan soo if-baxday horraantii lixdameeyadii, markii uu madaxweyne Jamal Cabdi-nasir-kii Masar, uu culimo fara badan oo ka tirsanaa Ururka Akhwaanul-Muslimiinka dalkaas, uu ku ciqaabay xabsiyada dalkaas .... Culimadaas oo uu horkacayey Sayid Qudub ayaa markii ay u dulqaadan waayeen jirdilkii loo geysan jiray, waxay iftoodeen in dowladdii Jamal Cabdi-nasir ay ka baxday diinta Islaamka, waxaana la rumeysan yahay in fikirka takfiirku uu halkaas ka hana-qaaday, inkastoo uu markii dambe ku fiday caalamka oo dhan.

Dadkii fikirkaas ka soo aflaxay waxaa ka mid ah Dr. Ayman Al-Thawahiri ku xigeenka ururka Al-Qaacida oo isagana siddeetameeyadii lagu jirdilay xabsiyada dalka Masar.

Laakiin inta badan culimada Islaamka ayaa qaba in xanuun kasta oo loo geysto qofka Muslimka ah, ay adag tahay in qof kale oo heysta diinta Islaamka laga saaro diinta Alle.

Aragtida Culimada

Culimada badankood waxay qabaan in marka uu qofku ku dhawaaqo ashahaadada, ama uu qofku ku dhashay diinta Islaamka inuu markaas si qumaati ah u soo galay xeyn-daabka Islaannimada ayna adag tahay in ruux kale uu qofkaas afkiisa uga saaro diinta Islaamka.

Si kale haddii loo dhigo, culimadu waxay qabaan in Islaamidda iyo ka bixidda Islaamku-ba ay yihiin xiriir ka dhaxeeya shakhsiga iyo Alle.

Dr. Yusuf Al-Qaradaawi, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay culimada ugu aqoonta badan diinta Islaamka ee xilligan nool. Wuxuu yiri, qofka bani’aadamka ah isaga ayaa naftiisa u doorta iimaanka. Haddii uu jiro buu yiri wax ku khasbay ma ansaxayo iimaankaas.

Dr. Qaradaawi wuxuu intaas raaciyey: "Asalka iimaanku waa midka qalbiga." Sidaas daraaddeed Sheekhu wuxuu qabaa in qof kale uusan ogaan karin waxa ku qarsoon qalbiga qofka kale.

Islaannimada iyo Shahaadada

Wuxuu tusaale usoo qaatay saxaabigii Usama Ibn Zayd, ee isagoo Jihaad ku jira dilay nin ay iska soo horjeedeen, oo markii uu seefta u baaciyey ku dhawaaqay Shahaadada.

Dhacdadaas markii loo sheegay nabi Muxammad, NNKH si weyn ayuu uga dhiidhiyey isagoo wajigiisuna uu gaduutay, Wuxuuna nabigu weydiiyey saxaabigii Usama Ibn Zayd: Maxaad ka yeeli doontaa kalimada Shahaadada marka lagu horkeeno maalinta aakhiro?

Shiikh Qaradaawi wuxuu yiri: tusaalahaasi waa midka ugu weyn ee caddeynaya in Shahaadadu ay tahay iridda laga soo galo xeyndaabka Islaamka, kaas oo haddii uusan qofku ka laaban Shahaadada aan marnaba la Gaaleyn karin ayuu yiri. Wuxuu Shiikhu yiri: Gaalnimadu waa shey kasoo horjeeda iimaanka.

Shiikh Yusuf Al-Qaradaawi waxaa la weydiiyey sida uu uga jawaabayo aayado fara badan iyo axaadiis aan tiro yareyn, uu muujinaya in qofku uu diinta uga bixi karo haddii uu tusaale ahaan salaadda ka tago?

Dr. Qaradaawi wuxuu yiri: diin-ka-baxa lagu sheegay lafdiga aayadahan, looma jeedo kii looga baxayey gabi ahaan diinta. Laakiin waxaa loola jeedaa in dadka lagu cabsiiyo, looguna gooddiyo in ku dhicidda dambiyada waaweyn, sida gogol-dhaafka iyo cabidda khamrada, inay horseedi karaan diin-ka-bixii weynaa.

Shiikhu wuxuu soo daliishaday xadiis oranaya qofka Muslimka ahi ma gogol-dhaafo, khamrana ma cabbo isagoo iimaankiisu uu dhameystiran yahay. Waxaa xadiiskaas lagala dhex bixi karaa buu yiri, in qofka Muslimka ah uu iimaankiisa is-dhimi karo, balse taas macneheeda ma ahan gaalnimo soo mutaxan.