Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Eeyo Raxan Raxan U Socda Qabana Cudurka Raabiyada Oo Weli Waxyeello U Geysanaya Dadka Reer Baraawe

Sunday - August 30, 2009

Baraawe- Eeyo raxan raxan u socda ayaa wali waxaa ay weeraro ku hayaan dadka ku dhaqan deegaano hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Kadib markii Eeyo raxan raxan u socda islamarkaana qaba cudurka Raabiyada ay waxyeelo ugu geysteen degmada Baraawe isbuuc ka hor dad kor u dhaafaya ilaa 6 ruux ayaa waxaa la sheegayaa in Eeyahaasi ay degmada Baraawe ugu baqooleen deegaanada howdka ee ku xiran degmada Baraawe oo ay ku noolyihiin dad xoolo dhaqato ah kadib markii dadka ku dhaqan Baraawe ay baacsadeen Eeyahaasi.

Eeyahaani ayaa wali waxaa ay weeraro joogto ah ku hayaan dadka iyo duunyada ku dhaqan dhulka Howdka ah,waxaana lagu soo waramayaa in 24-kii saac ee la soo dhaafay in Eeyahaasi ay qaniineen ilaa labo ruux oo degan deegaan lagu magacaabo Sitidheer oo ka mid ah deegaanada ku xeeran degmada Baraawe.

Sidoo kale ilaa Sedax Neef oo Arri ah iyo Hal dameer ah ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen Qaniinyada Eeyahaasi sida uu Saakay Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah deegaanka Sitidheer.