Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

AL- Xaaji Xassan Oo Ah Oday Da'diisu Dhantahay 108 Sano Waxa U Soomay 99 Ramadaan Oo Xiriir Ah

Sunday - August 30, 2009

Turkey - Warbaahinta dalka Turkiga ayaa maanta si weyn wax uga qortey Al-Xaaji Xasan Marsiik oo da'diisu dhantey 108 sano.
Xaajiga ayaa waxa uu noqdey qofka kaliya ee muslim ah ee dunida ku nool ee soomay 101 Ramadaan oo ay ka midyihiin 99 ramadan oo xiriira ... xaajiga ayaan la kulmin 99-kaa sano duruufo u diida soonka sida kuwo cafimaad, siyasadeed, ama cimilo intaba.

Xaaji Xasan oo u waramayay wargeyska Zaman ayaa waxa uu yiri " markii ugu horeysay ee aan Somo waxaan jiray 7 sano, 9 jir markaan ahaana waxaan bilaaby inaan dhamaystiro sodonka cisho ee bisha Ramadaan", mar wax laga weydiiyay faa’iidooyinka uu ku qabo soonka waxa uu ku jawaabey Soonka waxaan ka helaa Caafimaad iyo awood waanan wadayaa intaan ka dhimanaayo.

Xaajiga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu weeraray Takhaatiirta iyo Ubadkiisa oo u soo jeediyey inuu iska afuro oo rukhsada Allaah uu siiyay kafaa’iidaysto kuna tilmaamey dad aan waxba ka garaneyn faa’iidada uu Soonku u leeyahay shakhsiyadiisa.

Wargeyska ayaa sheegey mudadaa dheer ee uu xaajigu soo soomayay in dalka Turkiga ay soo mareen sadex waji siyaasadeed oo kaladuwan
kuwaas oo kala ah: Dawladii Cusmaniyiinta ee dhacday 1924 taas oo si buuxda u dhaqan galin-jirtey shariicada islaamka iyo Wajigii Cilmaaniga ahaa ee uu hogaaminayay Mustafa Kamaal Ataaturk oo si cad uga soo horjeestay dhamaan astamaha muhiimka ah ee Islaamka sida: Salaada, Soonka iyo xijaabka, iyo waqtigan xaaliga ah oo uu talada hayo Justice and Development Party ururka cadalada iyo hor umarka oo talada dalka la wareegay 2002 ururkan oo lagu majiirto inuu dib dalka ugu soo dabaalay shacaa’irtii Islaamka ee laga haajiray.