Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

"Dulliga Iyo Halaaga Gambiyey Somaliya Waa Ciqaab Alle Ugu Tala Galay Inu Ku Cadaabo" By Sh.Qardaawi

Monday - August 31, 2009

Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi “Waxyaabaha ka dhaca Dalalka Falastiin, Soomaaliya iyo Afgaanistaan waa Cadaad uu Alle ugu talagalay 
 
Doxa: Guddoomiyaha Ururka Midowga Culumada Islaamka adduunka Dr. Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi ayaa ku tilmaamay waxa ka dhacaya qeybo ka mid ah dalalka muslimiinta caalamka ciqaab Alle, gaar ahaan dalalka Soomaaliya iyo Falastiin.

Guddoomiyaha Culimada Islaamka waxa uu sheegay in wax-yaabaha ka dhacaya dalalka Soomaaliya, Falastiin iyo Afgaanistaan ay yihiin cadaab uu Alle ugu tala galay inuu ku cadaabo Muslimiina ku nool dalalkaasi.

"Waxyaabaha ka dhaca Dalalka Falastiin, Soomaaliya iyo Afgaanistaan waa Cadaad uu Alle ugu tala galay in uu ku cadaabo Muslimiinta ku Nool Dalalkaasi" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo ugu baaqay Dalalkaasi iyo guud ahaan Wadamada Islaamka in ay alle u noqdaan una towbad keenaan, isla markaana ku shukriyaan si uu uga dul Qaado Cadaabta daran ee Adduunka dushiisa ku saaray Alle.

Sheekh Yuusuf Al-qardaawi ayaa hadalkan ka sheegay muxaadaro uu ka jeedinayay Masjid ku yaala dalka Qadar, isagoo soo daliishaday Ayaadaha 63-aad, 64-aad iyo 65-aad ee Suuratul Al-Ancaam.

Sheekha ayaa tilmaamay in Alle uu Bini’aadamka ciqaabtiisa dareensiin karo, isagoo awood u leh inuu kaga keeno cadaabka meel walba oo aysan filaneyn haddii ay ku caasiyaan, isla markaana ka qaadi karo cadaabkaasi haddii ay isaga ku shukriyaan oo ay amarkiisa raacaan.

Al-Qardawi ayaa sidoo kale soo qaatay aayado kale oo uu uga digayo Muslimiinta inay la mid noqdaan sida kuwa gaalada ee iyagu ku kala tagsan dhanka Diinta si aysan u dhicin inay noqdaan kooxo kooxo iyo ururo ku kala tagsan dhanka fikirka, taasoo uu Qur’aanka Kariimka ahi si weyn uga digay in lagu sifoobo.