Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Baraarujintiisi Sharax Ka Bixinaya " Soonka Iyo Cudurka Suuxa"

Thursday - September 17, 2009

Waxaan ku bilaabayaa maqaalka Jimcahan magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, Waxaa Guuleystay qofkii Allah dartii u soomay, waxa hoogay midkii bisha Barakeysan ay ku dhaaftay isaga oo Ciyaar iyo Warmoog ku jira, Allow ka aqbal oo naga aqbal Soonkeena, Salaadeena iyo Camalkeena wanaagsan, wixii naga dhacay oo gef ahna noo cafi adigaa cafiye deeq badane ah. Waxaan halkan hambalyada "Ciida Soonfur" ugu gudbinayaa guud ahaan umada islaamka ah iyo Soomaalida ku kala nool aduunka dacaladeeda, gaar ahaan akhristaha bogan www.galdogobtimes.com, waxaan Allah ka baryayaa inuu dhamaan ka aqbalo soonkooda, sanadka sanadkiisa ku gaarsiiyo caafimaad, nabad iyo naxariistiisa u gaarka ah inta rumeysay ee ku dhaqantay wixii uu faray kana fogaatay wixii uu ka digay, Allow naga aqbal ducadaa bishan barakeysan fadligeeda.
Waxa la gaaray gabagabadii bishii barakada badneyd, maalmo kooban baa ka haray, Ciida Soonfur ayaa fooda nagu soo haysa, diyaar garow baa lagu jiraa dabaaldega maalinta Ciida, farxad baa ka muuqan doonta kuwa Allah dartii u soomay iyaga oo rajeynaya in Allah ka aqbalo camalkooda wanaagsan, hase yeeshee maxaa lagu gartaa in camalka wanaagsan la aqbalay, culimada waxey sheegeen in calaamada ugu weyn ee lagu garto in camalka wanaagsan la aqbalay waxa weeye in la daba dhigo camal kaloo wanaagsan oo aan la kala goyn dibna loogu laaban sidii la ahaa bisha barakeysan ka hor, midaa waxaan ula jeedaa waxa jira dad badan oo Allah ka fogaa bilowga bisha Ramadan Allah u laabtay oo Towbad keenay, marka waxa lagama maarmaan ah in marka la dhaafo Ciida Soonfur aan dib loogu laaban wixii Allah kaa fogeynaya oo keenaya caradiisa. Sidoo kale dadkii horay Allah ku dhowaa oo fali jiray camal wanaagsan, iyaguna waxa laga rabaa iney kordhiyaan oo aysan ka leexan dariiqa toosan mar hadii bisha barakeysan ay dhamaato. Allow naga yeel kuwii aan ka leexan dariiqa toosan, kuna dadaala khayrka iyo wixii aad raali nooga noqoneyso.
Waa Allah mahadii, hadaan ku dhameysanay caafimaad bisha barakeysan, inta cudur darteed soomi weysay waxaan Allah uga baryeynaa in caafimaad deg deg ah siiyo, waxa ugu qiimaha badan oo ka mid ah nimcada Allah ku maneystay adoomadiisa waa caafimaadka, ka wanaagsan xoolo iyo duunyo badan, hadii aad la shekeysato kuwa Allah ku ibtileeyay cudurada kala duwan ee jira, waxey kuu sheegi in wax lagu doorsan karo caafimaadka uusan jirin, waa waajib in Allah mar kasta loogu mahadsho, waxa kaloo waajib ah oo dusha inaga saaran in lagu dadaalo sidii loo dhowri lahaa nimcada caafimaad ee Allah na siiyay, dadka ku ibtiloobay cabida Sigaarka ama Khamriga ama Qaadka oo dhib weyn ku haya umada soomalida waxaan kula dardarmayaa iney ku dadaalaan sidii ay uga waantoobi lahaayeen, maxaa yeelay waxey dhib weyn u geysaneysaa caafimaadkooda, waxey dhaawac gaarsiin dhaqaalahooda, waxey tusaale xun u noqoneysaa ubadkooda oo berito ku dayanaya, intaa waxa sii dheer iney mudanayaan carada Allah iyo ciqaabtiisa aduunka iyo aakhiro.
Waxa waajib nagu ah hadii Allah uu nasiiyay Caafimaad iyo nabad aan ku seexano oo ay noo dheertahay dhaqaale nagu filan oo aan ku iibsano quutul yoomka iyo wixii kaloo aan u baahan nahay oo nafteena doonto, inaan xusuusano oo is xusuusino iney jiraan dad badan oo ku nool dalkii hooyo oo Allah ku ibtileeyay Faqri, gaajo, Cudur iyo Dagaal iyo cabsi, sidaa darteed waxa waajib nagu ah in Allah loogu mahad celiyo labo arin oo muhiim ah: 1)- Nimcada uu na siiyay, oo nagu maneystay dad badan oo nala mid ah ay la'yihiin. 2)- Inaan u duceyno kuwa dhibka ku jira ee jooga dalkii hooyo Allah inuu ka qaado dhibka haya, isagaa awooda wixii uu doono.
 
Ugu dambeynta waa su'aal?
Hadii Allah ku ibtileeyo bukaan cudurka Suuxdinta oo lagu yiraah afka Ingirisiga "Epilepsy" ma laga doonayaa soon, sidee buu u soomi hadii laga rabo soon inuu guto.
 
Jawaabtu waxey tahay, hadii cudurkan u sababta ah in qofku ay qabato suuxdin ama "Epileptic Attack" si isdabajoog ah u qabato kadibna u baahan yahay inuu qaato dawada loo cuno cudurkan dhowr goor maalintii, oo aysan jirin rajo laga qabo inuu ka bogsoodo cudurka intuu nool yahay, waxa ku waajib ah inuu quudsho miskiin inta maalmood ee dhaafta soonka, lagama doonayo inuu mar ama bil qura uu wada quudsho masaakiinta, hadii xaaladiisa dhaqaale aysan u ogoleyn ee hadba intuu karo buu quudin ilaa uu ka dhameystiro maalmaha laga doonayo inuu gudo, haduu doono bilba dhowr buu quudin inta ka horeysa Ramadanka ku xiga.
Hadiise laga rajo qabo inuu ka bogsoodo cudurkan, waxa u loo baneeyay inuu dhowro inta uu ka bogsanayo kadibna gudo maalmaha lagu leeyahay.
Waxa is xusuusin mudan in cudurka Suuxdinta ay sabab u tahay inta badan dhaawac gaara maskaxda, sida marka fooshu ku dheeraato ilmaha uurka ku jira, ama dhawac gaaro inta foosha ay socoto sida marka hawada "Oxygen" ku yaraato maskaxda, sidoo kale marka dhawac gaaro maskaxda inta ilmaha ay yeryihiin oo ka yimaada shilalka ka dhaca guriga ama gaadiidka loo isticmaalo isgaarsiinta, sidoo kale cuduro kaloo fara badan oo ku dhaca qofka ama qandhada qabata Caruurta marka xaraarada jirkooda ay gaarto 40 darajo qiyaasta Celcius, baa keeni kara Suuxdinta, had iyo goor waa in madaxa lagu hayo oo lagu fekero in "ka hortaga uu ka khayr badan yahay daweynta", sidaa darteed waa in lagu dadaalo sidii looga hortegi lahaa dhibatada inta aysan dhicin.