Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Soomaalida Qurbaha Caalanka Ku Nool Oo Isu Diyaargareynaya Dabaaldaga Munaasabada Ciidal-Fidriga

Friday - September 18, 2009

Dalalka Yurub - Waqooyi Ameerka dadyooga ku Dhaqan ayaa maalmahan u dambeeyey diyaargow balaaran ugu jira isu-diyaarinta dabaaldega munaasibada Ciidal-fidriga, iyada oo lagu gudo jiro dabayaaqadii bisha barakaysan ee Ramadaan.

Suuqyada waa-weyn ee magaalooyinka Yurub, Kanada iyo Ameerika ayaa aad looga dareemayaa u diyaargarowga munaasibada ciidal-Fidriga, iyadoo dhamaan suuqyada soomaalida ka ganacsato ay mashquul yihiin oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan dalalkaas, kuwaas oo iyagu wata caruurtoodii oo ay u iibinayaan dharka iyo agabka kale ee Ciida.

Suuqyadaa waa-weyn ee ka ganacsadaan qomiyadaha soomaalida "Bacadleyaasha" ee inta badan  lagu iibiyo noocyada dharka, Kabaha iyo qalabka caruurtu ku madadaalato ee loogu talo-galay farxada maalmaha ciida, ayaa ciriiri ah oo aanay dadku mari karin .

Waxaana bacadlayaasha har iyo habeen ku xoonsan dadweyne aad u tiro badan oo u badan Haween wata caruurtoodii oo u iibinaya dharka ciida iyo qalabka ay ku ciyaaraan caruurtu.

Dadweynaha suuqyadaas soo galay ee caruurtooda u iibinaya dharka ama iyaguba iibsanaya, ayaa u kala qaybsan saddex qaybood oo ku salaysan dabaqada dhinaca nolosha iyo dhaqaalaha jeebkooda, waxaanay wax ka iibsanayaan sida dharku u kala qaalisanyahay 

Jaaliyada soomaalida magaalada Minnesota ee cariga mareykanka ee ciidda fidriga u diyargarowbay ayaa la sheegay in ay yihin kuwii ugu tiradda badnaa ee iyagu soo baxa sanadkan sida ay noo sheegeen dadka ka baayac-mushtareeya iibinta dharka bacadlayaasha magaalada Minnesota gaar ahaan Moolalka ganacsatada soomaali wax ku iibiso, waxaana badashada dadka ee sanadkan ku sheegeen in ay sabab u tahay dad badan qurba joog ah oo maalmaha ciida gobolkaan fasax ku soo gaaray si ay u booqdaan eheladooda oo halkaas degan.