Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Nin Gabadhiisa Ciyaar Khamaar Looga Helay

Sunday - September 20, 2009

India : Aabe degan Bariga India ayaa inantiisii oo da`deedu jirtey 18 ku khamaarey, ka dib markii ciyaartii khamaarka lagaga helay dhamaan lacagtii uu haystey, waxaynu hore u maqli jirney dadka khamaarku aadka u jiitey marka laga helo lacagta oo dhan wuxu ku khamaari jirey ugu-dambayntii saacadiisa ama dharkiisaba, hasayeeshee ninkani wuxu ku khamaaray inantii uu dhalay. 

Warkan waxa laga soo xigtey wargeyska ka soo baxa Inida ee “The times of India” Aabahan inantiisa ku khamaarey ayaa magaciisa la yidhaahdaa Ismaciil Sheekh oo degan galbeedka xaafada Bengal.

Wararku waxay sheegayaan isla-ku khamaaridii uu badka soo dhigey inantiisii si uu u sii ciyaaro khamaarka ayaa hadana laga badiyey, waxaana inantiisii la wareegay Mustafa, waxaana sidaa cadeeyey sarkaalka booliiska baaritaanka xaalada ku-guda jirey ee Satyajit Bandhopadhyay.

Hadaba waxa Mustafa xaafadii ay degeneyd ugu tegey inantii uu khamaarka ku helay, markii ay diidey iney raacdana, waxa la sheegayaa inuu xoog ku jiitey.