Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

"No Soo Dira Ciidan Iyo Hub U dhigma Alaahu Akbarta Oo Lagula Dagaalamo Dalabanka" General McCrystal

Monday - September 21, 2009

Kabul: Ka Timid Taliyaha Ciidanka Mareykanka Afaganistaan General Sareeye Gaas McCrystal  /./ Taar Deg Deg ah /./ Sir Culys /./ Waawarey - Waawarey, runta iyo hubsashada yaan laga habaabin ... Cirid kul iyo cagaag baa na dilay... Casharkii Ruushka ayaa la maraya  ...Askarti amarkii iney ka diidaan Korneylada ayaa halis loogu jiraa... hindisihi maababka-kaartada iyo kitaabadi taatikada hadba la cusbooneysiinaayey waa no shaqeyn la'yihiin ...Niman manjo hoolan, beerka dhigaya keymaha buuraha, gaajo la socon waayey oo Allaahu Akbar leh ayaa cagta cagta no saaray oo na rogaya...Dagaal-yahankooda waxay isticmaalayan hub baaruud kulul leh oo loogu yeero " Alaahu Akbar" lamana garanaayo halka laga soo siiyey ...  Afagaanistaan waa digo hoos ka nool korna degal la moodaayo ... Kuwi anagoo nabad ku daaqeyna talo xumo daasad noogu tumay dagaalka na galiyey, indka-alle ha qaado qaadirada hargabka iyo qandhada doofaarka ... Saadaashi, falsafadi iyo is-maqiiqi Ina bush waa fashal haddu libin filaayey... Sheekada haddaan wax laga qaban waxay ku socon Dabagaalle Aar dilay ma aragteen 

Taliyuha gurxan iyo digniin isagoo bixinaya wuxuu ku booriyay hogaanka dalkiisa in lala yimaado hub iyo hab cusub oo lagu waajaho dagaalka lagula jiro kooxaha Talibanka, waxaanu taliyuhu ku nuux nuuxsaday sida loogu baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo dalkiisu u soo diro dalka Afganistan.