Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ciidamada AMISOM Oo Si Buuxda Ula Wareegaya Amaankii Mogdisho

Tuesday - September 22, 2009

Muqdisho- Isbedel iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo aan horay loo arag ayaa ka jira magaalada Muqdisho, waxaana 24-kii saac ee la soo dhaafay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay sameynayeen dholatusyo milateri, sida gawaarida gaashaaman oo bannaanka loo soo saaray, diyaar garow iyo tabaabusheysi ciidan .

Xarumaha muhiimka ah Dowladda KMG ah ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la wareegay ciidamada AMISOM, waxaana dadka gelaya iyo gawaaridaba baaraya ciidamada AMISOM, halka markii hore ay baari jireen ciidamada Booliska Soomaalida.

Goobaha ay degan tahay Dowladda KMG ah ee ku yaala magaalada Muqdisho oo howlgalada baaritaan ay ka wadaan ciidamada AMISOM waxaa ka mid ah xarunta Dekedda caalamiga ah, Garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada iyo meelo kale.

Qaabka ay ciidamada AMISOM u baarayaan dadka ayaa iyadu noqotay mid ka duwan sida Soomaalida wax u baarto, hase yeeshee baaritaanka dadka gelaya xarumaha Dowladda ayay u adeegsanayaan ciidamada AMISOM qalab carsi ah.