Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

fadilat Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Baraarujintiisi Jimcaha Ku Eegaya Cudurka Ibtilada Ee "STROKE"

Thursday - September 24, 2009

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah, iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato. Baraarujinta Jimcahan waxaan ku bilaabayaa mahad Allah aan u celinayo inuu noo suurto geliyay gudashada bisha Ramadan oo si fudud inagoo caafimaad iyo nabad qabna gudanay.
Intaa ka dib, xanuunada qofka ku dhaca ee lagu ibtileeyo aad bay u fara badan yihiin kuwo loo helay dawo iyo kuwo aan weli dawadooda la gaarin, siduu tilmaamay Suubanaha NNK ha ahaato isaga oo yiri " Allah cudur kasta Dawo buu u yeelay labo mooyee, {Gabow iyo Geeri}, qofkii Allah ku ibtileeyo mid ka mid ah cudurada jira ama dhowr ka mid ah oo ku sabra, ajar weyn baa xaga Allah looga qorayaa, sida la ogyahay hadii Allah uu jeclaado adoonkiisa wuu ibtileeya si uu ula yimaado dulqaad badan markaana ajar weyn looga qoro xaga Allah.

Cuduradaa faraha badan waxa ka mid ah dhawac gaara maskaxda oo si kedis ah u haleela bukaanka uu ku yimaado, maqaal aan horay u qoray waxaan idinka dalbay in loo duceeyo nin saaxiibkey ah oo si lama filaan ah dhaawac uga gaaray maskaxda, Allah dhibkii soo gaaray intiisi badneyd wuu ka qaaday, waxaan rajeynayaa in Allah caafimaad kaamil ah uu siiyo wakhti dhow, waxaan kaloo Allaha naxariista badan ka baryayaa inuu caafimaad siiyo dhamaan bukaanka muslimiinta gaar ahaan kuwa ku dhiban Soomaaliya ee warkooda nasoo gaaro maalin walba, Allow naga aqbal ducadaa waa adigii naga balan qaaday hadii aan ku barino inaad noo jawaabeyso.