Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mucaaradki Somaliland Oo Hungoobay Hurdadina Ka Soo Xirantay Iyo Riyaalo U Korartay Guul Hibatay

Friday - September 25, 2009

Hargeysa- Jimcihi shalay ayaa Golaha Guurtida ee Somaliland ku soo af-jartay shaqaaqadi iyo muran la isku qiro beelay oo mudooyinka ka dhex aloosnaa mucaaradka iyo dawlada madaxa ka yahay Riyaale

Fadhi ay yeesheen Gollaha guurtida oo ay ka soo xaadireen 78 xildhibaan ayaa cod buuxa waxay ku meel mariyeen in xilka madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka Somaliland muddo kordhinta ay u sameeyeen ay ka bilaabi doonto " 29-ka Oktoober, 2009, ilaa iyo xilli aan cayimnayn oo ku eg ilaa bil ka dib marka ay doorashada madaxtooyadu qabsoonaato" 

Go’aanka guurtida oo uu gollaha ka hor akhriyay gudoomiye-xigeenka Md Siciid Jamac, ayaa waxa lagu sheegay in ay u cuskadeen, iyagoo tixgalin siinaya ... Tallo soo jeedintii beesha caalamka  ... Sixida diiwaangalinta oo aan la ogeyn wakhtiga ay qaadanayso ... Aqbalaadii xisbiyada qaranka iyo Xukuumada iyo waliba dalka oo aan loo baahnayn in uu dowlad la’aan ku dhaco.

Sidaa daraadeed ayuu yiri gudoomiye-xigeenku waxa muddo kordhinta madaxweynaha iyo xigeenkiisu ay ka bilaabmaysaa 29,Oktoober,2009, oo ku eg bil ka dib marka ay doorashada madaxtooyadu dalka ka dhacdo.

Haddaba go’aankan guurtida ayaa dadka intiisa badan iyo asaxaabta qarankuba soo dhaweeyeen, inkastoo marka la akhriyo nuxurkiisa ay ka muuqato in guusha ay raacday Dawlada Riyaale oo sidaan ah: 

1- In muddo kordhintan aan xilliga loo cayimin ay noqondoonto mid madaxweyne Rayaale uga faa’iideysan karro inuu kursiga ku sii fadhiyo ila inta doorasho ka dhici doonto dalka, Doorashaduna waxay ku xirantahay sadexda xisbi oo isla garta waqtiga ay dhaceyso doorashada, taaso micnuhu yahay haddi madaxweynuhu ku qanciwaayo waqtiga ay doorshadu dib u dhici karto illa sano iyo wixi ka badan.

2- Waxa kale oo dadka qaar si aada uga dayriyeen fullinta go’aamada oo ay fududahay in madaxweyne Rayaale aqbalo sidii looga bartay, hase yeeshee waxa adkaan doonta fullinta dhanka xukuumada, maadaama heshiisayadii hore ee lala galay aanay xukuumadu waxba ka fullin kuna guuldaraysatay in dalka gaarsiiso doorashooyinkii ka dhaci lahaa.

3- Saxida diwaangalinta Kambiyuutarka Oo Aan la ogeyn waqtiga ay qaadaneyso oo ay khasab tahay in dib dadka loo tirakoobo oo si gaar ah loo turxaan bixiyo qaladaadki tirakoobka horay u dhacay ee goblada iyo degmooyinka.

4- Kharajka ku bixi-doona diwaangalinta tirakoobka oo aan sahal ahayn si u uga soo baxo khasnada reer yurub oo qaaliban waqtii qaata, waase haddi la soo ogolaado, sido kale qaybta ku soo aada dawlada oo aan la garaneyn sida ay ku bixin-doonaan.