Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kismayo Daarod ku-Xaar Lafahoodi Daadsanyihin Xaalkeedu Waa Ha La Ba'o Balaayana Ha Dhacdo

Sunday - September 27, 2009

Kisimayo :Warar si xoogan la’isula dhexmarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in malishiyadi islaamiyiinta xarakada Al-shabaab ee Kismaayo ay talo ku meel gaareen in maliishiyaadka kheyrka ka dhaga duuban ee u la soo galay magaalada Sh. Axmad madoobe in lagu buufiyo baaruud ololeysa oo geeri laga yaabo dhacdo ... waa sida laga soo xigtay shabaabe. 

Waxaase wararku sheegayaan in Shiikh Axmad Islam Madoobe oo weli nabad qaadan-waayey marku waayey damaciisa u iminka dhinacyada magaalada soo dhoobay maleshiyaad damacsan in xaalada kisimaayo is badasho rabana guul u soo hoyata, hasa ahaate sida la carbaabayo maleshiyadi shabaabka ayaa iyagana xeel dagaal isku urursaday magaalada goonyaheeda oo isu diyaarinaya weeraro ay kaga soo galan magaalada dhawr jiho.

Warar ayaa sharaxaad ka bixinaya in shakhsiyaad doonaya xal nabadeed oo ka tirsan xisbul islaam iyo odayaal degan magaalada ay u kala dab qaadayaan labada dhinac ... Waxaa la yiri Rag Qawl baa xira Haweena Meher, laakiin waa lays la gari waayey Qawl garnaqsi lagu gaari karo, oo qolo walba waxaad moodo iney tunka cuduudeeda ku kalsoontahay .

Hubanti la’aan ayaa ka jirta halka ay ku dambeeyeen mas’uuliyiintii sare maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ee ka soo jeedey Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo aysan ku sugneyn goobihii maamulka looga talinayay, hasa ahaate warka ayaa loo badinaya iney ku suganyihiin majlisyo magaalada dhexdeeda oo ay ka fulinayaan qorshaha dagaal ee ay damacsanyihiin

Dadka magaalada oo hoh iyo caku iyo hiif ka bixi la' welina ka walwalsan lafihii dadka oo meel kasta daadsan ayey waxay ka xunyihiin talada kisimayo jilbaha loogu laabtay ee ku saleysan "Ha la ba'o balaayana ha dhaco, Biidana yuu harin", waxayna shacabku si weyn isula dhexmaraya in dagaal dhiig qarka loo saaranyahay oo shar un laga talinaayo oo aan la joojineyn xumaan ka talin .   

Dhanka kale waxaan muuqan oo isa soo tari la' warar aroortii soo baxay oo sheegayay in manta fagaaraha berta Xoriyada lagu qaban doono isu imaatin balaaran oo looga dhawaaqi lahaa maamul goboleed Xisbul Islaam hoos taga.