Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhiilada Iyo Aabiga Socda Qoomama Xigin .... Daarood Ku-Xaar " Kisimayo" Qoon kale Dagin

Monday - September 28, 2009

Kisimayo: Inkasto Shicibka maatada magaalada kisimaayo murug iyo Qaxar la badayo maalin kastana ka sameyaan dibad bax aan sidaa u tira badneyn haddana ma jiraan dhiilada iyo Aabiga labada dhinac ka socota wax illa iyo hadda Stop-gareynaya oo maslaxada miiska geeynaya, sida socotana haddi la kala gar-qaadan waayo oo qoys qoys la dhaafi-waayo koleyba Qoomama ayaa xigi, waana khasab in qoom kale dhawaan ay dagi carigaas.  

Nimankaan isku guuxaya waa niman dhuunkaal u Ooman oo garasho iyo aqoon meel dheer ka gaarin haddana aan gar-qaadaneyn, ma ahaa niman adeerow ka joog ku hakanaya waana wada qooqanyihiin, waxayna koox kasta dooneysa iney kuwa kale irida ay ka soo gali jireen Ood ka saaraan, kuligoodna xaq kuma socdaan oo dagaal ayey hurinayaan haybtu rabo ha noqde.

Sida wararka looga soo xiganayo Reer kisimayo waxay tilmaan ka bixinayaan in kooxaha hubeysan wax kasto ay horay awood muruq ku faani jireen maanta ma aha kuwa ay ka muuqato kuwa Laan geeda jabin kara markii loo eego sida ay u doorsameen iyo caafimaad xumida, dacdaro, iyo qatooyada ka muuqata, ma jiro mid awood u leh inu Qufaco Qaaxo haysa awgeed, ma jiro mid saanta rogi-kara nafaqo xumo haysa darteed, waxaana la xaqiijinaya labada dhinacba ineysan haysan rasaas ay todobaad ku dagaalami-karaan wax la cuno iskaba daah.

Xogta la helay Kooxda Isku magaacwday Caanooley ee Hartiga ku kooban mashaqada taagan iyaga ka dambeeya oo sheeko maleeg iyo siyaasad sirgaxan la dhex galay Shiikh Madoobe iyo tolkiisa, oo shacabkii iyagoo meel daruuraha u dhaw nabad ku daaqaya ayey daasad u tumeen, waxaana la sheegaya in ila shalay madaxda Caanoole ka dalbanayeen Marsada Boosaaso Beeso iyo doolar la maroojiyo hasa ahaate markii la arkay hungurigooda dalaalnimada ka marneyn Juq looma oran, la yiri waa idinka iyo jeebkiina, waxaana arintaa ka digay ayaa la yiri odayaasha halkaas ka odayeeya oo diiday fitno in garab lala noqdo ... Umul-yahay Xanuunka Iyo kala Daah ilawshaha.... Wixi Shacab la Qor Gooyey, Weli Qabuur Laguma Gurin, Meydkiina iyagoo Qolfo noqday ayey xaafadaha kisimaayo dadsanyihiin.

Dhinaca kale ee Shabaab ee xoogu yahay Sade-Mareexaan markay nicmadi Marsadi kisimaayo loo diibay amase qabsadeen iyagoo aan wax miisaamin ayey isku jaribeen iney dadka mandiqada iska horkeenaan taaso caro dhalisay oo dabadeed dibinta loo ruugay, waxaana la waayey meel ay siyaasadooda ku hagaagto,lagana waayey hawraarsan iyo gudoon hadalo cuntama sooryo leh iyo soortaan ila qaybso, waxaana reerkaa qaribay nin heela dagaal tumaya oo siyaasad xumo hawdka xulaya tashiga tolki aan wax ka maqal tabarna keeneyn oo raba inu reerka dagaal uun ku jiro ... Waa mabda' Aan shaqeyneyn oo mirrirey weeye.