Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Bisinka..Farsamo Loo Helay Dib U Soo Celinta Gabarnimada Dumarka"Bakaarada" Iyo Muftiga Azharka Oo..

Tuesday - September 29, 2009

Qahira- Mid ka mid ah culimada waa weyn ee xaga diinta ee wadanka Masar ayaa soo saarey fatwo xoogan oo ku aadan in dalkaasi la soo galiyo qalab cusub oo loogu tala galay in uu dib u soo celin karo gabarnimada dumara.

Shiikh Professor Abdul Mouti Bayoumi oo ka mid ah culimada waa weyn ee diinka ee wadanka Masar ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka wadankaasi soo galiya qalabkaasi, isagoo sheegay qalabkaasi uu kordhin karo ama badin karo Sinada ama Galmoodka xaaraanta ah, isla markaana shareecada Islaamka ay xarimtey.

Qalabkan oo lagu farsameeyey wadanka Shiinaha ayaa wuxuu siidaynaya dheecaan dhiig ah, isla markaana haweenayda ay isticmaali karto habeenka aqal galkeeda, taasi oo ka dhigaysa xubinta taranka mid u soo celin karta xiligii gabarnimada hadii ay waxyeelo soo gaartey.

Qalabkan ayaa la sheegay in hada wadamada Bariga Dhexe uu soo galey, isla markaana xarumo caafimaad oo gaar ah ay sameeyeen qaliino qarsoodi ah oo hablo lagu sameeyey qalabkaasi, iyadoo la sheegay in qiimaha qalabkaasi uu yahay mid raqiis ah ama aan qofka carineyn

Dalka Suuriya ayaa la sheegay in hada suuqyada uu ku yaal qalabkaasi qiimo gaaraya 15 doolar, waxaana sidoo kale uu ku faafayaa qalabkaasi wadamo fara badan oo Carbeed.

Xubno ka mid ah baarlamanka wadanka Masar ayaa sidoo kale waxay isku raaceen in la mamnuuco in qalabkaasi la soo galiyo wadankaasi.