Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dacaayado Basar-xun Hordhac U Ah In lagu Xalaaleeysto Dilka Madaxweyne Obama

Wednesday - September 30, 2009

Gurxan ' Haruuf, Guux iyo dacaayad anshaxdaran dhagrid iyo dugaagnimo ku saleysan ayaa maamahaan si xooli ah ugu socta madaxweyne Obama, Taaso sida la saadaliyey loogu gogol xaarayo jawi lagu xalaaleynayo dilkiisa iyadoo ay dadka mareykanka u tusayaan inusan hanan karin hogaanka dalka kuna sheega mararka qaarkood inu yahay Naazi, weliba aan ku dhalan dalka ....  Ololahaas caga-jugleynta iyo basarxumadaa waxaa ka dambeeya kooxo caqliga doonta laga saaray oo qurmisey bulshadi Mareykanka... Baruur kaliya baa baruuro qurmisa" One scabbed sheep infects the whole flock".

Kooxda leh suurada kud-kudaha , kaska-xun indhahana adag ee inkirsan xaquuqda iyo karaamada bani'aadmaka ee lagu tilmaamo Midigta fog "Far Right- Right Wing" ayaa wada ololahaan iyagoo ka maroor dilaacsan madaxtinimada Ninka Madow Mr. Obama , waxaana ka muuqata kooxdaas kud-kudaha iney ka baxeen xuduudi loo washaray mucaaradnimada.

Dawlada Mareykanka gaar ahaan laanta Secret Service-ka ee qaabilsan amaanka Madaxweynaha Mareykanka qarsoon ayaa shaaca ka qaaday inay baaritaan ku sameyn doonto cod bixin dhanka Internet-ka oo dadka lagu waydiinayey sida ay u arkaan in la dilo Madaxweynaha wadanka Mareykanka Barack Xuseen Obama.

Codbixintan oo dhanka Internet-ka lagu soo bandhigay ayaa waxaa lagu soo gubdiyey mareegaha isku xiraha bulshada ee dhanka Internet-ka ee loo yaqaan Facebook, iyadoo codbixintaasi la soo bandhigay maalinimadii Sabtida, balse isla markii uu ogaadeen maamulayaasha Facebook ayaa hawada laga saaray codbixintaasi.

Codbixinta ayaa waxaa dadka lagu waydiiyey in la dilo Madaxweyne Obama waxaana dadka loo bandhigay ma qabtaa in la dilo Haa, Maya iyo waa iska macquul.

Laanta Sir-doonka " Secret Service-ka" amaanka Madaxweynaha ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay baaritaan ku hayaan cod bixintaasi, iyadoo loo arki karo wax lagu galin karo Khatar amaanka Madaxweynaha.