Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadilat Al-Digtoor Sh.Shuceyb Iyo Casharka Jimcaha "Hagardaamada Iyo Ceebeeynta Lagu Hayo Qu'raanka"

Thursday - October 1, 2009

Qaran Quustay, Qabiil Qooqay, iyo Qof Kursi u Hanqal taagaya.........Waxa ka darnaaday Qur'aan si qaldan loo Adeegsaday, Allah iyo Rasuulkiisa oo Been laga sheegay.

Baraarujinta jimcahan waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga subanaha NNK ha ahaato, Waxa aan ka maarmi waayay inaan wax ka iraah wadciga adag ee dalkii hooyo qeyb ka mid ah ka taagan lagana yaabo hadii aan si deg deg ah wax looga qaban inuu saameeyo gobolada labad ah ee hada aad moodo in wax lagu sheegi karo xasilooni ay ka jiraan.
 
Kadib markaan ku soo jirnay dagaal sokeeye 19 sano, oo dhiig badan daadshay, hantidii guud iyo mida gaarka ah digada ka dhigay, qax iyo kala tag u geystay hantidii qaranka ee berito, waa *dhalinyarada iyo Jiilkii berito*,  kuwaa oo laga rajo qabay iney sii joogteeyaan jiritaanka wax lagu magcaabo umad soomali ah, oo ka dhigay wax badaha ku le'day iyo wax ku dhintay saxaraha iyaga oo carar ah, intii ka hartayna ay ku jiraan xabsiyo dowlado aan moodeynay iney noogu naxariisanayaan islaam ay nala wadaagaan ama qadarin wadciya adag ee dalkeena ku jiro.
 
Qofkii dareen leh wuu garan karaa wuuna ka gilgilanayaa musiibada ku habsatay dalkii hooyo, laakin kuwa u ordaya kursi ay ku fariistaan iyo hanti ay boobaan waxaan xusuusinayaa in Allah dhufeys ugu jiro marna uusan wax hilmaamin ee uu u kaadsho kuwa is biday kibir iyo xoog una adeegaya awood shisheeye aan daneyneyn maslaxada umadeena.
Sidoo kale waxaan kula dardaarmayaa inta waxgaradka ah iyo aqoon yahanada umada inaan laga aamusin indhahana laga qarsan ee shir walba oo lagu kulmo iyo isutag kasta ee dhaca laga hadlo oo dadweynaha loo sheego waxa maslaxadu  noogu jirto umad ahaan, wadajirku waa xoog waxana lagu helaa Towfiiqda Allah, kala taga iyo iskhilaafka waxa uu keenaa baa'ba' iyo hoog ay dheertahay carada Allah.
 
Waxa hubaal ah in wixii nasoo gaaray ay tahay wax innaga gacmaheena aan ku kasbanay, isbedelna la heleyn hadii aan loo laaban Allah, lagana tanaasulin wixii keenay dhibka aan ku jirno dhamaanteen kuwa dalka jooga iyo kuwa qurbaha ku nool, ama kuwa raba iney ka tilaabaan saxaraha iyo badaha dadkii ku le'day, horay buu Allah noogu sheegay Qur'aanka, ku yiri qowlkiisa kariimka ah "Allah ma bedelo waxa ay ku sugan yihiin qoon ama "Umad", ilaa ay ka bedelaan waxa ay ku sugan tahay naftooda".
 
Waxa isweydiin leh markaa.........
 
Allah miyaa yiri qof ashahaadanaya ha lagu tilmaamo gaal, war ma qalbigiisa la daalacday?
Allah miyaa yiri dad aan wax dembi ah gelin hala gumaado?
Allah miyaa yiri umada inta ugu tabarta daran gaajo, qax iyo cudur halu jirabo?
Allah miyaa na faray in xal lagu raadsho dagaal iyo qoray aan la dhigin?
War ma Allah yiri Qofkii wax garta oo xumaha dadka lagu hayo diida ama ka diga caqibo xumaha ay leedahay haladilo ama ha la qafaasho?
Ma Allah yiri nafta amanada kugu ah ee aadan adigu laheyn ha la gooyo oo ha la qarxiyo?
Ma Allah yiri qofku haduu dembi galo isaga oo aan la horkeenin maxkamad sharci ah inta aan lagu cadeyn dembigii uu galay, halaqisaaso ama adimada ha laga jaro?
Miyaan Allah laga baqeyn bani'Adam nimada la xurmeyneyn? Dadka sidan haloo dhaamo.