Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xiliga Wareerka " Tiiha" Lagu Jiro Ha Ku Haraadina Kisimayo Waxna Ha Ku Jaangoosan ... Latest News

Friday - October 2, 2009

Kisimayo : Ka digtoonaada Xiliga wareerka "Tiiha" lagu jiro ha ku haraadina waxna ha ku Jaan-goosanina.... Maanto kale laga wanaagsan ka hadalkeeda iyo dhiiladeeda... Macno Badan Ma Laha

Latest News: Khasaaraha Dagaal Culus oo dhiiga bada caseeyey ayaa ugu dambeysti Al-shabaab Kula Wareegeen Kismaayo, waxaana guluf colaadi is hardinka ku soo xirmatay markii wadada Via Afmadow iyo far jano laga faramaroojiyey Kooxihi gadooday ee Xisbul islaam-garabka Shiikh Madoobe, halkaaso la sheegay in Shiikh Madoobe isagoo fiigan u wadada u baxda Airaboorka cagta Saaray, waxaana warku intaa raacinaya inuuba durbaba gaaray Degmada Buulo Xaaji Iyo Hosingow.

Waxaa kalo warku sheegaya in mudadi u dagaalka socday ay horjoogayaashi Raskiyaabooni iyo Caanoole ay ku kala jabeen fikirka iyo istaraatijiyada dagaalka taaso dhalisey in qaar iyaga ka mid ah ay uba galeen al-shabaab oo u ka mid yahay Shiikh Duladeyn Iyo Barre Cali Barre. 

Xoogagga Al-Shabaab, ayaa iminka si xoog ah kula wareegay magaalada Kismaayo oo awaamirtooda ku sanduleynaya dadweynaha, waxaana halkaas ku soo gabagaboobay Isgaashanbuurkii ka dhaxeyey al-shabaab iyo Xisbul islaam,waxaana warku intaa ku daraya in Shiikh Xasan Daahi Aweys oo doc u fiyow jirin, Garkana tagoogada gashaday sidi isagoo tuug ah, waj gabax iyo walbahaar kala kulmay jabkaas soo gaaray xisbigiisa, waxaase laga soo Tabiyey inu yiri: Inkasto aan halyey ahay kisimayana ku qaday ma dhigaayo seefteyda oo galka wey diidantahay ... gefka iyo xumaanta ma ahi nin gacanta ka laabanaya , waxaa ii helayna waa Badawoyadi aan xambaari jiray oo aan lahayn ballan iyo xuduud lagu heshiiyo .

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa u badan rayid gaaraya ugu yaraan 20 qof illa 50 kalena ku dhaawacmeen lana geeyey Cusbitaalka Kismaayo .

Warkale oo iminka soo gaaray shabakadaan galdogotimes ayaa xusaya in Shiikh Xasan Cabdulaahi Turki iyo maleeshiyaad u wato ay ka soo xaydxayteen degmada Badhaadhe kuna soo fool leeyihiin Kisimaayo lamana sheegin waxa socodkooda ay ka damacsanyihiin ... Malaha Cad ciidoobay ayuu doonaya inu calfado.

Wararka ugu dambeeyey ee ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in barakac aad u ballaaran ka bilowday magaaladaas, iyadoo dadka rayidkuna u qaxaya daafaha Kismaayo, walow dadka qaarkiisa la sheegay iney ku soo laabteen guryahooda markii dagaalku sii qaboobay, Xaafadaha khasaaraha ugu badan ka dhacay waxa ka mid ah Via Af-Madow iyo Far-janno oo ay ku hoobteen madaafiic dhinac isu adeegsadeen. Waxaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka soo gaaray xoogagga dagaallamaya .