Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Nin Xaaskisi Dilay Isagoo Riyoonaya

Tuesday - November 17, 2009

Mr Thomas oo maxkamada la keenay ayaa sheegay inuu xaaskiisa dilay isagoo ku riyoonaya Tuug Guriga soo jabiyey.

Qaadiga Maxkamada ayaa sheegay in Kiiskani yahay mid qayral caadi ah sidaa darteedna ay Go'aanka maxkamadeed ku saleenayan in uu ninkan waalni ku sugnaa markuu ficilka geysanayey.

Maxkamada ayaa laga hor sheegay in Mr Thomas uu leeyahay xanuunka hurdo xumada taas oo la micno ah inaanu awood u lahayn inuu Kantaroolo Ficiladiisa taasina ay sababtay inuu dilo Xaaskiisa oo 40 jir ahayd.

Kadib markii Khubaro ku takhasustay Cudurada Hurdo Xumaanta ay cadeeyeen inuu xanuunka qabo ayaa Xeer ilaaliyuhu  sheegay inaan ninkan warba u hayn wuxu geystay sidaa darteedna aan loo qabsan karin Masuuliyada Dhimashada.

Juuriga Maxkamada ayaa isku raacay inaan ninkan lagu qaadi karin Dacwad toos ah balse loo sameeyo Xukun gaar ah,  oo ah inaanu dambi lahayn iyadoo lagu sababeenayo waali.