Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Cidamada Sacuudiga Oo Qabtay Dad U Dhashay Somaali Oo Hub Iyo Saanad U Sida Mucaaradka Dawlada Yaman

Wednesday - November 18, 2009

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Soomaali hub u siday Mucaaradka la dagaalamaya xukuumada Yemen, kuwaasoo ku sugnaa xadka kala qeybiya Sacuudiga iyo Yemen.

Wasiirka difaaca dowlada Sacuudiga Boqor Khaled bin Sultan oo Saxaafada la hadlayay ayaa shaacinay inay gacanta ku dhigeen dad Soomaali u badan oo hub u siday Mucaaradka la dagaalamaya dowlada Yemen ee loo yaqaan Xuutiyiinta.


Boqor Khaled bin Sultan 

Boqor Khaled bin Sultan waxuu sheegay inay Soomaalidaasi hubka siday ay wehliyeen marka la qabanayay dad u kala dhashay dalalka Ethiopia iyo Afghanistan.

Wasiirka difaacda Sacuudiga waxuu sheegay inay xiligaan ku hayaan magaalo u dhow xadka kala qeybiya Yemen iyo Sacuudiga isla markaana baaritaan xoogan ku hayaan dadkaasi Soomaalida u badan ee hubka siday.

Waxuu sheegay inay Soomaalida u sheegeen inay hubka u wadeen Mucaaradka Yemen ee Xuutiyiinta loo yaqaan, isla markaana ay jiraan Soomaali ka barbar dagaalameysa Mucaaradkaasi.


Ciidamada Sacuudiga 

Howlgalka lagu soo qabqabtay dadkani hubka tahriibinayey ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopterska Sacuudiga, mana sheegin saraakiisha Sacuudiga halka uu hubkani ka soo galay.

Dowlada Yemen ayaa hore u shaacisay inay jiraan Soomaali ka barbar dagaalameysa Mucaaradkeeda, iyadoo shaacisay hadii ay gacanta ku dhigto Soomaalidaasi inay ula macaamili doonto sida ay ula macaamisho Xuutiyiinta.