Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dagaalkii Laba Shabeel. Laba Yaxaas iyo Deerada

Wednesday - November 18, 2009

Dalxiisayaal ku sugan Goob Xawaanka lagu daawado oo ku taal dalka Hindiya ayaa Goob joog u noqday Halgan dheer oo dhexmaray Labo Shabeel oo eryanayey Deero si ay u dilaan iyo Labo Yaxaas oo iyaguna Laagta biyaha ku jira si ay u qabsaan Deerada.

Dalxiisayaasha ayaa sheegay in saacadu markay ahayd 6:45 Subaxnimo iyagoo ku sugan Tadoba-Andhari Tiger Reserve ee Gobolka Maharashtra ee India ay arkayn dagaalka u dhaxeeyey Deerada iyo labada shabeel.

Shabeelada ayaa Cawska ugu dhuumanayay oo ku sugayey si ay u qabtaan Deerada oo markaas u dhawayd, inyar markay usoo jirtay bay Deeradii Dareentay oo orad isa sii daysay waxaana dabo dhigtay oo baacsaday labadii shabaeel, kadib waxay Deeradii bilawday inay gasho Laagta biyaha si ay uga badbaado Shabeelada.

Markii ay Maareysay inay ka baxsato Shabeelada ayaa nasiib xumo waxay la kulantay labo Yaxaas oo iyaguna Gambar Gaaban ugu fadhiya siday u qaban lahayeen.

Ku Dhawaad Saacad iyo Bar bay Deerada iyo labada Yaxaas is dhex eryanayeen biyaha iyagoo isku dayaya inay qabtaan, Nasiib daro Shabeelo kale baa maqlay Qaylada Deerada waxayna ku soo dhawaaday halkay ka ciyeysay iyagoo ugu dhuuntay Caws dheer oo sugayey intay biyaha ka soo baxayso.

Laba Sacadood kadib markii halganku bilaabmay waxay Deeradii ku guulaysatay inay Biyaha ka soo baxdo oo ka soo badbaado Yaxaasyadii laakiin markay ku dhawaad 50 mitir ka soo socotay biyaha ayaa Shabeeladii sugayey weerar kale ku bilaabayn iyadoo midna Waqooyi ka soo weeraray midna Koonfur.

Inkastoo ay Dhaawacantay Deeradu hadana waxay markale ku guulaysatay inay ka baxsato Labada shabeel oo ay ku noqoto Biyaha iyadoo lugta Dhiig ka da'ayo.

Isla markay Biyaha Gashayba waxaa hadana dagaal kale ku bilaabay Yaxaasyadii oo iyaguna dhankooda sugayey, labadii Shabeelna waxay bilaabayn inay fariistan oo sugaan inta la soo kala baxayo.

Afar Saacadood kadib 10:30 Barqanimo ayey Deeradii markale ka soo booday Biyaha oo ka baxsatay Yaxaasyadii.

Isla markii ay Cawskii soo gaartay waxa hadana Dagaal kale ku bilaabay Shabeeladii oo iyaguna sii sugayey, intaasi markay dhacday ayaa dalxiisayaashi daawanayey wakhtigi ku yaraaday waxayna bilaabayn inay iskaga tagaan iyagoo u maleeyey inay Deerada u dhamaatay markan.

Laakin 5:30 Galabnimo 11 saac kadib markii Dagaalka Deeradu bilaabmay bay soo mareen Goobtii si ay u hubiyaan wuxu ku dambeeyey dagaalkii, layaab waxay arkayn Yaxaasyadii oo iyagu daalayba oo ka quustay iyo Shabeeladii oo wali dibada ku sugaya.