Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Mid Ka Mid Ah Wareysiyadii Ugu Dambeeyey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre

Wednesday - November 18, 2009

Wareysigan waxaa Maxamed Siyaad Barre laga qaaday bishii May 30-keedii sannadkii 1987. Waxaa ka qaaday Uthman Mirghani oo ka tirsanaa wargeyska Al-Tadamun ee af-Carabiga ku soo baxa, waxaana lagu qaaday Muqdisho.

 Al-Tadamun: Mudane Madaxweyne, waxaa ka soo wareegtay hal sano markii aad gashay shilka gaari oo uu kaa soo gaaray dhaawac kugu kallifay inaad sariir jiifato muddo. Maxaad hadda dareemaysaa, ma ka soo kabsatay saameyntii shilkaas?

Siyaad Barre: Waxaan rumeysanahay, iyadoo mahadda uu iska leeyahay Ilaaheey, inaan ka soo kabsaday shilkaas ama ugu yaraan tani waa sidaan dareemayo. Waxaan dareemayaa xoog iyo inaan awood u leeyahay inaan guto waajibaadkeyga oo caadiyan ah kuwo aad u badan. Tusaale, maanta waxaan kormeeray shirar, waxaana ka shirnay arrimo gudaha ah illaa laga gaaray 04:30 galabnimo, welina waxaan dareemayaa inaan leeyahay nashaad iyo firfircooni laakiin waxaa laga yaabaa inaad aragto saameyntii shilkaas oo ay ka mid tahay gariirka gacanteyda.

Al-Tadamun: Mala-awaal iyo warar ku saabsan caafimaadkaaga ayaa soo kordhayey illaa iyo shilkaagii, kuwaasoo gaaray heer ay jaraa’idka qaar tebiyaan inaadan awood u lahayn inaad gudato howlahaaga Madaxweynenimo. Iyadoo tani jirto ayaa haddana waxaa laguu doortay Madaxweyne toddoba sano ee soo socota bishii December. Ma u aragtaa kordhinta laguu kordhiyey xilliga aad haynayso kursiga inay jawaab u tahay mala-awaalkaas?

Siyaad Barre: Haa, waa inay u ahaataa. Illaa iyo markaan shilka galay waxaan u watay howlahayga si caadi ah, qof kasta oo la socdana wuxuu sheegi karaa inaan awood u leeyahay howlahayga inaan guto iyo in kale. Mala-awaalka ku saabsan caafimaadkeyga weli waa la baahiyaa, laakiin wax qiime ah ma lahan. Kuwa baahinaya wararka noocaas ah waad dad ka soo horjeeda taliska Soomaaliya, waxayna jecel yihiin inay faafiyaan been-abuurka. Saxaafadda reer galbeedka waxay qaadataa wararka noocaas ah iyadoo sababtu tahay inaysan awoodin inay xaqiijiyaan ama iyagoo doonaya inay baahiyaan wararka xasaasiyadda leh. Ma jiro Madaxweyne aan bartilmaameed u ahayn been-abuur iyo mala-awaal inta uu xilka hayo. Illaa iyo inta aan xukunka hayo, wararka noocaas ah wey socon doonaan, weyna soo bixi doonaan marba marka ka dambeeya, laakiin taxliilka ugu dambeeya ayaa dhextaal u noqon doona arrimaha gudaha ee ummadda iyo aragtida caalamka ee xaaladda.

Al-Tadamun: Maxay yihiin waxyaabaha muhiimadda kuu leh sannadaha soo socda, gaar ahaan muddada toddobada sano ah ee xilka laguu kordhiyey?

Siyaad Barre: Ma jiro wax is-beddel ah oo weyn oo ku jira ahmiyaddeyda. Tan ugu weynse waa in la sii wado halgankii aan ku raadineynay horumarka dhinac walba. Waxa aniga muhiimka ii ahi waa in lagu guuleysto horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinaca bulshada, lana darsaa sida horumarku ku suurageli karo, loo qeexaa dalalka nagala shaqeyn doona arrimahaan, lana tixgeliyaa sidaan ugu guuleysan lahayn barnaamijyadeenna. Haddii aan helno caawimaadda dibadda waan ka mahadcelinaynaa, laakiin arrinta noogu weyn waa inaysan noqon inaan eegno helitaanka gargaarka, balse waa inaan xoogga saarno waxaan annagu ku guuleysan karno. Qaramada iyo ummadaha waxaa lagu dhisaa dadaalkooda, laguma dhiso hadal. Ummadaha qaar mararka qaarkood waxay nagu eedeeyaan siyaasaddeenna, laakiin taasi nama quseyso, waayo taariikhda ayaa caddeyn doonta in siyaasadaheenna iyo ujeeddooyinkeenna shaqada iyo horumarka ay sax yihiin.

Al-Tadamun: Bishii la soo dhaafay waxaad ku dhawaaqday xaalad degdeg ah si aad wax uga qabataan abaarta ku dhufatay Soomaaliya. Xaaladdu weli runtii ma xun tahay?

Siyaad Barre: Wararka aan helayo waxay muujinayaan in xoogaa roob ah uu ka da’ay dhulalka badankood, laakiin roobkaani waa mid aan ku filnayn kaddib muddo dheer oo ay jirtay abaar. Roobku sidoo kale ma uusan dhammeynin geerida xoolaha, gaar ahaan kuwa abaartu tabardareysay. Sidaas oo ay tahay saameynta ay leedahay roob la’aantu iyo baahida bini’aadamka waa mid socota, gaar ahaan markay noqoto cunnada iyo qalabka caafimaadka ee la siinayo kuwa abaartu saameysay. Waa in hadda dadkaas la siiyaa cunno iyo qalab caafimaad ugu yaraan saddexda bilood ee soo socota. Waxaan hadda qaadeynaa daraasad ku saabsan qasaaraha dadka iyo duunyada, gaar ahaan qasaaraha xoolaha. Soomaalida gaar ahaan ku nool gobollada dhexe, bariga iyo koonfurta waxay ku tiirsan yihiin xoolaha nool, sidaas daraadeed dhibaatadu wey sii socon doontaa.

Al-Tadamun: Sannadkii la soo dhaafay waxaad beddesheen habkii lagu dooran jiray Madaxweynaha dalka. Madaxweynaha waxaa dooran jiray Golaha Baarlamaanka, laakiin hadda waxaa lagu dooran doonaa doorasho guud. Is-beddelka hannaanka doorashada macnaheedu ma wuxuu yahay inaad billowdeen siyaasad cusub oo aad ugu durkeysaan dhinaca is-beddel dimoqraadi ah?

Siyaad Barre: Si run ah haddaan u hadlo, ma fahamsani waxaad ula jeeddo “is-beddel dimoqraadi ah”, inkasta oo aan badanaa maqlo arrintaan. Waxaan aaminsanahay habka aan raaci jirnay markii hore inuu ahaa dimoqraadi laakiin dadka qaar waxaa laga yaabaa inaysan fahamsanayn ama aysan bogaadinaynin taas, waayo waxay rumeysan yihiin inay jiraan habab ka fiican oo lagu gaari karo dimoqraadiyad. Waxaan rumeysanahay inaan ku soconnay hab dimoqraadi ah oo aan annagu aan leennahay illaa kacaankii 1969. Haddii su’aasha dimoqraadiyadda macnaheedu tahay habka nooca reer galbeedka hadaba taasi ma ahan mid annaga noo qalanta, mana aqbalayaan shacabkeennu. Waddan kasta wuxuu leeyahay hab uu ku maamulo arrimihiisa. Hadaba sharraxaad taa ka wanaagsan ayaa laga yaabaa inay tahay “dibu xoreyn” maadaama tani ay ogolaanayso waddan walba inuu xusho habka ku habboon, halkii uu ka haysan lahaa cashar ay u yeeriyeeen ururro ajnabi ah. Waa inaan haysannaa habkeenna kaasoo ah xalka ugu wanaagsan laakiin wuxuu qaadanayaa muddo dheer in la gaaro.

Al-Tadamun: Adiga oo eegaya is-beddelladaas, ma filaysaa inaad wada-hadallo la billowdaan mucaaradka jooga dibadda Soomaaliya?

Siyaad Barre: Waxaan aaminsanahay inaysan jirin baahi loola furo wada-hadal noocaan ah niman qiyaameeyey dalkooda. Wada-hadal side ah ayaan la galnaa nimanka noocaas ah? Tanaasulaad sidee ah ayaan u sameynaa, luuqadeenna isticmaalnaa markaan la hadleyno niman dayacay qarannimadoodii, lana dagaallamay dadkoodii? Ma arko faa’iido ku jirta in lala hadlo. Hadii fursad wada-hadal run ah ay jiri lahayd waan soo dhoweyn lahayn, waxaanse ku dhawaaqnay cafis, sidaas darteed hadduu jiro qof raba inuu ku soo noqdo dalka waxaan ku leennahay “ku soo noqo dalkaaga”. Kuwa soo noqda lama maxkamadeyn doono inkastoo sharcigu dalbayo in la soo taago maxkamad qof kasta oo qiyaama dalkiisa. Laakiin awooddeyda madaxtinimo awgeed waxaan ku dhawaaqay cafis, waxaana u furay albaabada kuwa soo noqonaya. Run ahaantii kuwo dadkaan ka mid ah oo dibadaha ku maqnaa ayaa soo noqday, wax xunna laguma sameyn.

Al-Tadamun: Shir ayaad ku yeelateen adiga iyo Madaxweynaha Ethiopia Mengistu Haile Mariam waddanka Djibouti bishii December, taasoo aad isku raacdeen inaad dhammeystaan muranka dhexdiina ka jira, isla markaana magacawdeen guddi ka xaajooda dhibaatada taagan, guddigaas oo ku shiray Addis Ababa, haddana ku ballansan inay isku arkaan Muqdisho. Maxaa lagu guuleystay si xal loogu helo khilaafaadka Ethiopia, muxuu wada-hadalku u naaqusay?

Siyaad Barre: Ma arko in wax miro leh oo guul ah laga gaaray shirarkaan. Waxaan u maleynayaa sababta arrintaas inay tahay is-faham darro iyo is aaminaad la’aan. Itoobiyaanku waxay dalbadeen in laga hadlo su’aasha xuduudka laakiin maadaama aanan ka soo horjeedin in laga hadlo arrintaas mabdi’iyan haddana waxaan diidnay in laga hadlo wada xaajoodyada ugu horreeya. Waxaan u sheegnay Itoobiyaanka inaysan macquul ahayn inay dalbadaan in la calaamadeeyo xuduudka iyo in la qeexo waqti labada dal ay ku jiraan xaalad colaad, saxaafadduna ay is weydaarsanayso dagaal, xasaradduna kacsan tahay. Waxaan soo jeedinnay inay aad u wanaagsan tahay in xoogga la saaro in la abuuro jawi caafimaad iyo daacadnimo si guul looga gaaro wada hadallada oo loo dhameeyo qarniyaan colaad ay socotay, markaas kadibna wada hadalka xuduudka qaranka la billaabo marka shakigu meesha ka baxo. Laakiin Itoobiyaanku waxay ku adkeysteen in laga hadlo su’aasha xuduudda. Sidee arrintaan looga hadli karaa iyadoo lagu jiro jawiga noocaan ah ee u dhexeeya labada dal? Itoobiyaanku shaki ayay naga qabaan, annaguna shaki ayaan ka qabnaa qorshayaashooda kaddib markaan aragnay inay wadaan ficillo lid ku ah heshiisyadii aan ku gaarnay Djibouti, laakiin waxaas oo jira weli wada hadalladii waa socdaan.

Al-Tadamun: Soomaaliya waxay ku eedeysay Ethiopia inay xoojisay ciidammada ka jooga xuduudka, isla markaana ay qorsheynayso inay qabsato Soomaaliya. Weli ma rumeysan tahay in Ethiopia ay diyaarinayso dagaal ballaaran oo ay ku soo qaaddo Soomaaliya?

Siyaad Barre: Kama jawaabi karo su’aashaan si sax ah iyo si qaldanba. Itoobiyaanku xor ayay u yihiin inay sameeyaan waxa ay ka sameynayaan gudaha dhulkooda. Waxaa laga yaabaa in waxyaabo badan ay ku xambaareen inay rumeystaan inaan qorsheynayno weerar aan iyaga ku qaadno sidaa darteedna ay xoojiyeen ciidamadooda xuduudda. Ma ogin waxa ay Itoobiyaanku ku fekerayaan. Ma xaqiijin karo in Ethiopia ujeeddadeedu inay tahay inay dagaal nagu soo qaado. Arrimahaas waxaa laga yaabaa inay salka ku hayaan warar qalad ah oo ay heleen labada dhinac, laakiin kama hadli karo qorshahooda.

Al-Tadamun: Ra’iisal Wasaaraha Suudaan Saadiq Al-Mahdi waxaa laga soo xigtay inuu qorshayaal u gudbiyey Itoobiya looga gol leeyahay in faham heshiis nabadgelyo lagaga abuuro Geeska Afrika. Ma haysaa fekrad gooni ah oo la xiriirta qorshahaas, mase jiraan wax wada tashi ah oo ku saabsana arrintaas?

Siyaad Barre: Ma jiro wax xiriir ah oo arrintaas ku saabsan oo nalala soo sameeyey laakiin fekraddaas laftigeeda ayaa wanaagsan gaar ahaan maadaama gobolka Geesku uu muddo dheer ahaa meel kulul. Isku day lagu soo celinayo nabadda gobolka guud ahaan waxay ahaan lahayd fekrad fiican. Waxaan rajeynayaa in tallaabadaasi ay jawaab kala kulantu Mengistu iyo annagaba.

Al-Tadamun: Iyada oo ay qayb ka tahay tallaabooyinka iyo baaqyada la xiriira nabadda Geeska Afrika ayaa shirkii shanaad ee wadammada Islaamka ee ka dhacay Kuwait bishii January wuxuu soo saaray qaraar lagu dalbanayo daadgureyn aan shuruud ku xirnayn oo dhammeystiran ee dhammaan ciidammada ajnabiga ee ku sugan Geeska Afrika. Ma aaminsan tahay inay macquul tahay inay tan dhacdo?

Siyaad Barre: Ma ogi halka ay Ethiopia ka taagan tahay arrintaan, laakiin inta annaga naga quseysa waxaan dhihi karaa ma jiro ciidan ajnabi ah oo ku sugan dhulkeenna, mana jirto sheegashada sheegaysa in Mareykanku uu saldhigyo ku leeyahay dhulkeenna. Waxaan rajeynayaa in nabaddu ay faafi doonto, gaarina doonto saaxiibadeenna Itoobiya oo dhulkooda la sheego inay joogaan xoogag Cuban ah iyo xoogag ka socda waddan kale.

Al-Tadamun: Ma rumeysan tahay in siyaasadda Detente ee u dhexeysa Madaxweyne Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbaachev ay saameyn ku yeelanayso Geeska Afrika?

Siyaad Barre: Detente oo u dhexeysa labada quwadood ee waaweyn wey ku yeelanaysaa saameyn adduunkoo dhan. Haddii labada hoggaamiye ee Reagen iyo Gorbachev ay gaaraan heshiis, natiijadu waxay saameynaysaa xaaladda qaybo badan oo adduunka ah.

Al-Tadamun: Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda Carabta 1974. Maxaad ugu yaboohdeen Jaamacadda Carabta xilligaas, maxayse iyadu idinkugu yaboohday?

Siyaad Barre: Kama aragno arrinta dhinaca faa’iidada iyo qasaaraha, mana aanan raadineyn faa’iido. Waxaan hadda kala qayb qaadanaynaa xubnaha kale arrimo kasta oo quseeya Jaamacadda Carabta, waxaana sameynaynaa inaan ku yaboohno wax suuragelin kara inay gaarto hadafkeeda, laakiin waxaan rumeysanahay in Jaamacadda Carabtu ay noqoto mid waxtar leh oo u shaqeysa ummadda Carbeed, isla markaana horumarisa sawirka Carabta dhinaca dibadda si loo dhowro xuquuqda Carbeed. Sababtaan awgeed Jaamacadda Carabtu waxay u baahan tahay awood badan iyo xikmad.

Al-Tadamun: Maxaad ku qiimeyn lahayd xiriirka u dhexeeya Carabta iyo Soomaaliya?

Siyaad Barre: (Wuu qoslay, wuuna saxay su’aasha). M waxaad ula jeedaa xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya wadammada kale ee Carbeed. In la isticmaalo xiriirka Carabta iyo Soomaali waxay ka saaraysaa Soomaaliya guriga Carabta. Xiriirka Soomaaliya ay la leedahay wadammada kale ee Carbeed waa mid wanaagsan, laakiin wuu sii fiicnaan karaa.

Al-Tadamun: Siduu ku sii fiicnaan karaa? Ma waxaad dareemaysaa in Soomaaliya ay hesho gargaar dhaqaale oo badan? Waa meeshee meesha uu xiriirku ka sii wanaagsanaan karo?

Siyaad Barre: Waxaan rajeynayaa inaanan joogin meel aan u baahanahay inaan weydiisto gargaar. Si kasta ha ahaatee xiriir fiican ayaan la leennahay wadammada Carabta. Marka aan ka helno gargaar waddan ka mid ah waan uga mahadcelinnaa, marka aanan helinna kama caroonno mana sameyno dalabaad. Waxaan aaminsahay inay tahay danaha wadammada Carabta inay wada shaqeeyaan sababtoo ah wadanna ma taagnaan karo keligii isagoon la shaqeynaynin kan kale, gaar ahaan wadammada saaxiibada ah. Laakiin kuma qiimeyno saaxiibtinimadeenna dano maaliyadeed.

Al-Tadamun: Xilliyadii hore waxaa lagugu tilmaami jiray shuuci dhab ah. Weli ma tahay shuuci, mise waad beddeshay dariiqii?

Siyaad Barre: Haa weli waxaan ahay shuuci inkastoo taasi aysan ahayn habka Yurub laakiin ay tahay habka iyo aragtida waddankeenna soo koraya. Tani waxay xiriir la leedahay xaqa qaybinta hantida la siinayo qof walba, ha noqdo shaqaale ama xubin hormuud ah ama xirfadle, saamigu wuxuu ku saleysan yahay shaqadiisa. Waxaan kaloo hubin lahayn inaysan jirin ka faa’iideysiga dadka iyadoo la dhaqangelinayo sharci ama la isticmaalayo xoog. Waxaan rumeysanahay inaan hadda joogo meel dhexe oo u dhexeysa aragtida shuuciga iyo hanti-goosiga. Annagu haddaan nahay wadammada dunida saddexaad ma aanan fahmin fekradda shuuciga iyo hantigoosiga noocooda reer galbeedka. Waxaa laga yaabaa inaad naga hesho meel labadoodaas u dhexeysa. Waxaan rabnaa in shaqsiyaadku ay gaarkooda u shaqeystaan laakiin qaranku waa inuu fara geliyaa si loo gaaro wax shaqsigu uusan ku guuleysan karin keligiis. Si kale hadaan u dhigo waa in Qaranku uu dhiirrigeliyaa dadaalka shaqsiga halka mashruucyada waaweyn ay ku jirayaan gacanta Qaranka inkastoo tani macnaheedu uusan ahayn in ganacsiga gaarka ah laga hor istaago shaqada.

Al-Tadamun: Su’aasheenna ugu dambaysa waxaa kiciyey go’aanka ay gaareen laba Madaxweyne oo Afrikaan ah. Su’aashu waxay tahay: Ma fili karnaa inaad raacdo tusaalaha Madaxweynaha Senegal Senghor iyo Madaxweynaha Tanzania Julius Nyerere oo aad xilka ka degto maalin uun?