Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Casharkii Taxanaa ..Caalim Al- Digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Ka haqabtira

Thursday - November 19, 2009

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey, Adigaa Wixii Aad Tiraahdo Taabo Galiya Taaduna Noqone Janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Eebo Adaa Tiirsamaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku Soo Dhawaada Ereyada Shiikha iyo Ka Faaiideysi Wacan:
 
 ----------------------------------------------------------------------------------------------------

Socdaal Gaaban U galay Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Awgeed casharkiisi Jimcaha Bixi Jiray Waxaa maanta Furdaaminaya Al-Akh Xasan Cabdi Xirsi Oo E-mail Ka Soo Diray Magaaladda Kuwala Lampur- Malasia

Ujeeddo: QISO CAAJIB AH OO DHEXMARTAY CUMAR BINU KHADAAB IYO QOYS ISKA DHIBANAA? 

Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab (Rc) oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa

Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta, Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran

Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta, Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka

Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay, Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay. Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar

Kadib ayay bilowday inay Eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda

Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo markaas ilin badan ka qubanayso, Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Amiirkooda

Cumar (rc) oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka magaalada ilaa uu gaaray Baytul Maalkii

Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo xogaa lacag ah. Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro,

Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo dhabarka u saaro. Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam: ”Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Waa inaan aniga xanbaaro jawaankan maadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin doono”.

Aslam ayaa markaas Cumar (Rc) u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan dhankii guriga haweenaydii baahnayd. Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar (Rc) digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay cayaar

Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar (Rc) ku tiri: ”Wallee adaaba ka fiican Amiirka Muslimiinta, Cumar”

Cumar (rc) oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay: ”Hadaad aniga iga soo war doonto, waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta insha’Allah”

Kadib ayuu iska fariistay isaga oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay. Intuu Aslam jaleecay ayuu yiri:

"Ma ogatahy waxa igu keenay inaan halkan fariisto? Hadaayey caruurtaan way ooyaysay, iminkana way qoslayaan oo cayaar ayay ku jiraan. Inaan iska fiirsado faraxooda ayaan jeclaystay"