Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Reer Yurub Oo Qorsheeyenaya Iney Xayiraad Ku Soo Rogaan Kororka Taranka Muhaajiriinta Dalkooda

Friday - November 20, 2009

Magaalada la yiraahdo Landskrona oo ku taal woqooyiga dalka Sweden , ayaa dhowaan lagu soo rogay sharci cusub oo lagu xakamaynayo taranka iyo guurka dadka dadka ajnebiga ah oo hayaanka ku tegay dalkaas, taaso la filayo dawladaha reer yurub badankooda iney qaadan talaabadaas mid la nooca. 

Wargeyska Helsingborgs Dagblad oo faafiyey warka sharcigan la yaabka leh, ayaa sheegay in dhowaan lagu wargaliyey ajnebiga qaxootiga ku jooga magaalada Landskrona in aanay hal mar wax ka badan dabbaaldegga guurkooda ku qabsan karin xarumaha loogu talogalay xafladaha aroosyada ee waddanka Sweden .

Masuuliyiinta Sweden waxa ay qorshaha xayiraadda guurka iyo aroosyada ee lagu soo rogay dadka soo galaytiga ah ku sheegeen mid qayb ka ah nidaam cusub oo loogu talogalay in lagu xakameeyo korodhka taranka muhaajiriinta dalkooda ku nool oo tiradoodu aad u sii kordhayso.

"Ma doonayno inay aad u bataan dadka soo galootiga ah ee dalka u soo haajiray, waayo si xawli ah ayey u tarmayaan oo isu guursanayaan, markaa xil baa naga saaran in aannu xakamayno."Sidaa waxa yiri sarkaal magaciisa la yiraahdo Mr. Lars Svensson oo maamule ka ah xarun guud dawladda Sweden u samaysay dadka muhaajiriinta, isla markaana ah mudane ka tirsan golaha degaanka magaalada Landskrona oo laga soo doortay xisbiga Social Democratic.