Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Mulacyadi AL-Shabaab Oo Weeraray Afmadow Iyo Qoo-Qaani, Maankana Ku Haya Jihada Dhoobley

Sunday - November 22, 2009

Sida warku nagu soo gaaray Maleeshiyo Al-shabaab Oo Gobolo kala duwan ka soo gurmaday ayaa dhawr jaho ka soo weeraray irdaha magaalada Afmadow laga soo galo oo Ay albaabadi isbaarooyinka soo jiireen halkaaso wax caabin ah oo ka hor yimi aysan la kulmin, waxayna durbadiiba magaalada ku soo rogeen in wax hub ah aan lala soo bixi karin socodkana la yareeyo, isla markaana waxay cilado farsamo galiyeen dhawr baabur oo magaalada tiilay ee dadweynahu lahayeen iyagoo ula jeeda in aan lagu baxsan, sida warka lagu heleyana Maleeshiyaadkaas faramarooqsaday Afmadow Sadex meelood laba meelood waxay gacalnimo qoys wadaagaan Beesha Absame oo asal ahaan u tababarnaa Jabhada ONLF waana koox qabta fikirka in la dugsado isirka walaalaha noqday ee Al-shabaab oo ay isku masiir yihiin Oodana Wada yaaliin .  

Waxaana warku intaa ku sii daraya in hindisahooda dagaal ay ku soo tala galeen u ku simanyahay illa dhoobley oo hadda aysan weli gacantooda galin laakiin sahankooda ku maqanyahay iyado ay jiraan rag guurti ah oo gudaha kala shaqeynaya, waxaase la filaya in gurmadad shabaab oo ka kala yimaada dhinacyada Gedo iyo Bay ay aagagaas maalmaha soo socda si dhuumaaleysi ah ku soo gali-doonaan.

Dhinaca kale dawlada Kenya iyo Itoobiya Ayaa iyagu ka walwalsan weerarada cusub Al-Shabaabku ka wadaan Aagagaas Afmadow Iyo Nawaaxigooda, waxaana warku xoogiisu tilmaamaya in Ciidamada Itoobiyaanka iyo maleeshiyadi Korneyl Barre Hiiraalle ee Degaanka Dolow Ay heegan galeen oo illa hadda aan la garaneyn dhinaca ay ku jeheysan yihiin walow la aaminsanyahay iney u socdaan dhinaca jubada hoose.