Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ururka Xamaas Iyo Israil Oo Qarka U Saaran Iney Qalinka Ku Duugaan Heshis Maxaabis Isweydaarsi

Monday - November 23, 2009

GAZA: Ururka Hamas iyo xukuumada Israel ayaa la filayaa in dhawaan meel marin doonaan heshiis la isku dhaafsan doono maxaabiis ay kala hayaan labada dhinac, maxaabiista falastiiniyiinta ee la filayo in la soo daayo ayaa tiro ahaan gaadhaya 1,000 kun maxbuus waxaana bedelkooda uu ururka Hamas xoriyadiisa u soo celin doonaa askari mijir ah oo lagu magacaabo Mr. Gilad Schalit, askarigan ayaa maxbuus ahaan u xidhan ururka Hamas ilaa iyo bishii June 2006, mudadaas oo ah in ka badan saddex sano.

Madaxweynaha Israel Shimon Peres oo shalay Axadii kulan kula yeeshay magaalada Qahira madaxweynaha dalka Masar Mr. Mubarik ayaa sheegay in horumar laga sameeyay wadahadalada u dhexeeya iyaga iyo ururka Hamas waxaanu intaas ku daray in ay suurtogal tahay in la soo daayo askariga reer Israel Mr. Gilad Schalit, balse wax faahfaahina oo intaas dhaafsiisan kama bixin Madaxweyne Shimo Peres.

Saraakiil reer Israel ah oo saxaafadu wax ka weydiisay isdhaafsiga maxaabiista ayaa ka gaabsaday in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan arintan, dhanka kale hogaamiye ku xigeenka dhinaca siyaasada ee ururka Hamas Mr. Moussa Abu Marzouk ayaa yiri: "way jirtaa in horumar laga gaaray wada hadalada". Labada dhinacba waxay ka gaabsadeen in ay tafaasiil dheeri ah ka bixiyaan sii deynta maxaabiista balse waxaa ay sheegeen in wadahadaladii laga gaaray horumar isla markaasina ay suurtogaltahay in la is dhaafsado. 

Warar xogogaal ah oo ka imanaya dhinaca Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in maxaabiista la soo daynayo ay noqon doonaan laba hormo, hormada hore ayaa la sheegayaa in ay ku jiri doonaan rag Israel ay ku xukuntay madaxaa ha ku furto isla markaasina xukuumada Israel u haysatay in ay u geysteen shicibka yuhuuda gumaad xun, waxaana ragaas ka mid ah Marwan Barghouti oo ah hogaamiye caan ah. Mr. Barghouti waxaa loo arkaa in uu yahay nin loolan ba’an la geli kara Madaxweynaha reer Falastiin Mahmoud Abbas. Wada xaajoodkan oo ahaa mid mudo soo jiitamaayay ayay xukuumada israel ku muujisay tanaasul si askariga reer Israel u helo xoriyadiisa, dhanka kale ururka Hamas ayaa isaguna dhinkiisa layimi debecsanaan kadib markii ay ay aqbaleen dalabka Israel ee ah in maxaabiista qaarkood loo mastaafuriyo dalal kale, sida dawladaha bariga dhexe ama dawladaha Yurub.