Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Madaxda Australia Oo Cududaar Ka Bixisay Nin Khalad Lagu Daldalay 86 Sano Ka Hor

Tuesday - November 24, 2009

Brisbane: Maamulka gobolka Victoria  ee dalka Australia ayaa  shaaca ka qaadey inu ceeb ka saliim ahaa isla markaasina aanu wax dembi ah lahayn nin la daldelay 86 sano kahor kadib markii lagu eedeeyey in uu kufsday gabar yar oo caruur ah, isla markaasina qoortaa ka jaray.

Ninkan oo magaciisa la oran jirey Colin Campbell Ross ayaa dilkiisa loo cuskaday qodob aan sax ahayn kaas oo qalinka ay ku duugeen khubaro wakhtigaa loo saarey arinta iney baritaan ku sameeyaan, Rob Halasz oo ah Governatooraha Gobolka Victoria ayaa maanta mar uu la hadlayay saxaafada ku tilmaamay dhacdadaasi in ay ahayd mid cadaaladaro ku dhacday isla markaasina uu aad uga xunyahay dhibtii loo geystay marxuum lagu magacaabi jiray Colin Campbell.

Gudoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay arintaasi ahayd   musiibo aan lagafiirsan fulinteeda isla markaana dhaawac wayn ku ah cadaalada  dalka Australia.

Mr Ross ayaa 115 cisho markuu jeelka ku jirey lagu fuliyay dil deldelaad ah kaas oo waqtigaas muran badan abuurey Dad goob joog ahaa ayaa sheegey inuu shaqadiisa ku ku sugnaa markii uu dilku dhacayey. dadkii qadiyada u xambaariyey Mr Ross ayaa cuskadey timo haween oo laga dul helay go'a sariirta ee ninkan eedeysanaha ahaa timahaas oo wakhtigaa khubaradu sheegeen iney ahaayeen kuwii gabadha yar ee geeriyootey lakiin markii qadiyada hada dib loo eegay iyada oo lala kaashanayo cilmiga casiriga aha ayaa lagu ogaaday in aanay timahaas lahayn gabadhii yarayd ee dilka loo geystay.