Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Jaceyl Dartii Nin Qabrigi Xaaskiisa Soo Fagtay Suu Ula Qaato Waqtiga Ciida Masiixiga

Friday - November 27, 2009

55 jir ka soo jeeda magaalo ku taal Gobolka Bartamaha Quang Nam ee Dalka Vietman ayaa qoday Xabaasha Xaaskiisa oo 2003 dhimatay isagoo soo fagay lafihi iyo Ciida ku wareegsanayd.

Maydka ayuu ninkani Dhar u galayey kadibna Dhigay Sariirtiisa si uu u la qaato Wakhtiga Ciida Masiixiga.

Ninkan oo lagu Magaabo Le Van ayaa u sheegtay Shabakad warraka ah in Kadib Dhimashidii Xaaskiisa uu seexan jiray Xabaasheeda Dusheeda, laakin 20 Bilood kadib uu ka walwalay in Roobabka, Dabaylaha iyo Qabawgu ay waxyeeleyan sidaa darteedna uu go'aansaday inuu xabaasha qado oo uu ka soo saaro si uu ula seexdo.

Caruurtiisa ayaa ka war helay inuu doonayo inuu Xabaasha Soo faqo wayna ka hor joogsadayn balse goor habeenimo ah Sanadkii 2004 ayuu qoday Xbaasha Xaaskiisa isagoo ka soo saaray oo geeyey Gurigiisa.