Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Xaaji Nijeeriyaan Ah Oo Lagu Qabtay Maka Isagoo Sarifanaya Doolar Faalso Ah

Sunday - November 29, 2009

Ciidamada boliska sacuudiga ayaa sheegay In ay qabteen Nin u dhashay dalka nijeeriya oo sanadkaan ka qayb-qaadanahayey Munaasabadi xajka ... Xaajigan lagu qabtay Magaalada Barakaysan ee Maka isagoo sita lacag dhan 22,000 Dollarka maraykanka kaaso isku dayaya inuu ku sarifto lacagta Riyalka Sucuudiga.

Boolisku waxay intaa raaciyeen oo meesha ka saareen Suurtogalnimada ah inay jirto Lacag Badan oo ay sitaan qolyo kale oo lagayaabo inay ninkan shuraako yihin, iyagoo sheegay in laga yaabo inay Xujaydan laga shakisan yahay isku dayaan inay ka faaidaystan xiliga Xajka.

" Xaajigan wuxu ka yimid Magaalada Lagos ee Nigeria, waxana la qabtay isagoo Dollar Faalso ah ka sarifanaya Baanka iyo sariflayaasha magaalada Maka', sidaa waxa yiri Abduulah Isa oo ah Hogaamiyaha Xujayda reer Nigeria.

Xaajigan la qabtay ayaa ku sugnaa Makka isagoo u yimid inuu Xajka guto hasa ahaate sida muuqata ay xaajo u dheereyd iyadoo ay wehelinayeen Hooyadii iyo Walashii.

Ciidanka boliska ma cadeyn Ciqaabtu Mudan Doono ninkani iyo waliba sida laga yeelayo Hooyadii iyo Walaashiiba oo iminka iyagana Makka ku Sugan