Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dhambaal Murugo Leh Oo Ay Soo Direen Somalida Ku Nool Dalka Griga Kadib Marki Lagala Baxsaday Lacag

Monday - November 30, 2009

Halkaan ka Akhriso Dhambaal Ay Soo Direen Soomaalida Ku Noola Dalka Giriiga Oo Ciil iyo Caro La Murugeysan Kadib Markii Lagala Baxsaday Lacagihii Ay Ku Gali-lahaayeen Yurub ... Waxayna U soo Qoreen Sidatan:

Walalayaal Waxaan idin sheegaynaa haddi aad tihiin websityada dalka ka hawlgala fadlan dhibaato weyn ayaa nagu heysato dalkaan Giriiga ee fadlan murugadayada u bandhiga ummada Soomaaliyeed si ay ula socdaan waxayna tahay dhibaatadaas ... in inagoo awlba ku joognay raafad halkan dalka Giriiga xaaladana ilahay og yahay ayaan waxaan dhigan jirnay lacag ay ehelkeen noogu soo diri jireen xawaalada kala ah Bakaal, Iftin iyo Olombik waxaan u fadhiyay oo wakiil ugu ahaa ninka lagu magacaabo Cabduqadir Xaaji Muxuyadin lagu naaneso Dacar  
 
Ninkaas oo ku heystay meherado ganacsi oo kala duwan sida isagoo kireya guryaha ay degan yihiin Soomalida iyo Xawalado waxayna isla shaqeysan jireen walaashiis waxayna ka heysataan sharci dalka Ingriiska asal ahaan waa Reer Muqdisho uu ka deganaay Siigaale waa degmada howlwadaag waxana uu ka soo jeeda beesha Abgaal Khasatan jilibka Waceysle , waxaan u soo jeedineyaa in uu ilahay ka baqo waa iska aduunyo nafta maanta ku qurxineyso addunyada koley bari Aakhiro ku qurxin meyso ... fadlan iska soo celi lacagta waayo sida lagu keenay ilaah baa og waayo dad aan dad ka danbeyn ama aan yurub mise meel kale loo jirin ayaa ka tiilay lacagta  
 
Waxaa u Naxdin badan Gabar Uur leh oo haysatay 2 Caruur ah oo ay ka qadi jirtay ayaa lacag u tiilay markii ay maqashay in uu la baxsaday ayay shook ku dhacay isla markiiba  waxaa ku soo booday fool waxaana loola cararay cusbitaalka waxaana lagu sameyay qaliin ilaa iyo hada way yaaban yihiin cusubtilkaas oo ku yaal Athens waxaa la dhigay Soomaali badan oo ku dhacay shook waayo waxaa afkooda soo mari la' haddi uu Dacar dhacay lacagtii yaa kale oo lagu Aaminaa   waxaa ka sii naxdin badan gabar agoon ah oo hoyadeed u soo ibisay boos ay lahayd oo ay xil xoolo ay ka lahayeen iyadoo ku hamineysay in mar uun la koriso walaalahed, hoyadeed ayaa gabadhaasi  waxaa ku dhagay hadalkii oo ka soo bixi la'  ... Qof walibo waxuu leedahay waxaan u tukaday labo rakco salaad ah in ilahay ku ciqaabo aduunka intii aan la gaarin Aakhiro, waxaan lagu qiyaasay lacagta u la fakaday ninkaas lagu magcaabo Dacar 237000 Yuuro waa labo boqol iyo soddon iyo toddobo kun oo Yuuro, qiyaas u dhiganta Nus Malyuun Dollar.