Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Casharkii Taxnaa Ee Caalim Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Ka Haqabtiraya

Thursday - December 10, 2009

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taao galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Shiikha Iyo Ka Faaiideysi Wacan

Ujeeddo :  Ibtilada Dhacday ... ilmadaa Iga Da'aysa ...Waxaan ahay Nin Arkaya Ulajeedo Haboowday

                   -----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo Saliga Nebi Maxamed NNK ha ahaato, Inaa Lillahi Wa inaa Ileyhi raajicuun, Allaha xaqa lagu caabudo oo qura baa waara wax kastoo kale Naf iyo Xoolo ama Duunwo waa halaagmaan, Allow u naxariiso oo Jannada Firdowsa abaal mar uga dhig  Shuhadada ku dhintay qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho usbuucii lasoo dhaafay 3 December, intii ku dhaawacantay Allow caafimaad deg deg ah sii, dhaawacooda bogsii, jabkoodana kab, qaraabada iyo eheladii ay ka bexeen Allow adigaa naxariis badane samir kasii, Ajarkooda Weynee.
 
Waa wax caqligu diido, islaamnimada xadgudub ku noqotay, Bani'aadnimada dhaawac weyn u geystay wixii ka dhacay hotelka Shamo iyo xafladii qalin jebinta takhaatiirta jaamacada Banaadir, Allow hanoogu caroon waxey faleen duuflaalada iyo juhalada maangaabka ah, qofkii ficilkaa isqarxinta ah falay iyo kuwii qabanqaabshay ee ka dambeeyay hoygoodu waa naarta Jahanamo Allah idankii, waxey meel weyn uga dhaceen garashada iyo caqli saliimka ah ee inta nabada jecel, ma aysan qadarin nafta Allah abuuray ee uu xaaraan ka dhigay in wax aan xaq aheyn lagu gooyo.
 
Ninkii dunida sii jooga maxaa aragti kuu laaban, waxbadan baan is iri khabar kaa nixiya ama argagax ku geliya waad maqli inta aad nooshahay, ama kasoo yeeri dalkii hooyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay, hase yeeshee marna caqligeyga kuma soo dhicin inaan maqlo dhacdadii waxshinimada laheyd ee khamiistii 3 bisha Decembar ka dhacday hotel Shamo ee lagu xasuuqay umada dhalintii usoo kacday lana rajeynayay iney u adeegan wadankooda iyo umadooda.
 
Allaha xaqa lagu caabudo wuu kaadshaa, hase yeeshee wax ma hilmaamo, kuwa kibray oo awooda is bidey, oo umada Allah abuuray ee islaamnimad ku abtirsata ku kalifay hoog iyo belo aysan qaadi kari, waxaan xasuusinayaa iney sugeyso ciqaabta iyo carada Allah, maalin maalmaha ka mid ah, xisaabta akhirana sidoo kale ay sugeyso.
 
Dalkan iyo umadan waxa hubaal ah iney dhowaan Allah ogolashadii ka dib ay sare kacayaan dhibkuna uu dhamaanayo, midaana waxa u daliil ah in dhacdadii khamiistii 3da Decembar ka dhacday Hotel Shamo ay baraarujisay qof kasta oo inaga mid ah ee damiir leh kana danqanaya xumaanta, waa in la gartaa inaan gaarnay meshii ugu dambeysay wixii hada ka dambeysa aan loo dulqaadan karin dulmi iyo xadgudub dambe, waxaan Allah ka rajeynayaa iney noqoto bilowgii baaba'a "xoogaga dulmiga" magac kasta ha la baxaan ama hagoog kasta ha ku hoos dhuuntaan.
 
Su'aashu waxey tahay maxaa noo haray oo aan sugeynaa intaa kadib, dadow mee waxgaradkii, odayaashii, indheer garatadii, culimadii iyo haweenkii dalka u dhashay, war ma carar iyo dhuumasho miyaan ku jireynaa, mise intaan gacmaha is qabsano baan dib u hantineynaa sutida maamulka dalkeena hooyo, dulli Allah nama badin ee inagaa gacmaheen ku kasbanay, Diinta Allah yaan been laga sheegin, kitaabka Qur'aanka ahna lagu been abuuran.
 
Waxa la leynayo waa caruurteenii intii ka hartay oo la rajeynayay iney u adeegaan umadooda iyo dalkooda, waxa badaha iyo saxaraha ku le'day waa xoogii dalka u shaqeynlahaa, kuwa xabada labada dhinac ay gumaadeyso waa xoogii ilaalin lahaa sharafta iyo magaca qaranka soomaaliyeed, koox yar baa ku adeeganaya oo hadafkooda yahay iney Kursi ku fadhiistaan kadibna hantida dalka boobaan xaqdarona ku cunaan, maxaa meesha yaal oo la isku heystaa? Dalkii, dadkii, iyo duunyadii wax kama harin, haantiina salkaa laga duleeliyay mar hadii xaajadu gaartay in la laayo umada intii wanaageeda ka talineysay.  Allow u naxariiso inta ku dhimatay xaqdaro oo jannadada abaal marin uga dhig dulmiga loo geystay dartii.

Waxa iga dardaaran ah oo aan xusuusinayaa inaan cidna naga hareyn hadii aynan baraarugin, waxa lagu sheekeysan doona dalkan mar umad soomali loo yaqaan baa ku noolaan jirtay, dantu waxey noogu jirtaa in laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa xoogaaga yar ee umada ka hartay, dhibka wuu ina wada saameeyay ha noqoto kuwa dalka ku nool ama kuwa dalalka shisheeye ee qaaradaha kala duwan cararka ku tegay, waxa waajib ah in meel looga soo wada jeesto wixii maslaxada guud ku jirto inta yar ee nala rabta halaaga, dagaal aan naxariis laheyn lagu qaado, ulajeedadeydu ma aha qori iyo xabad hala adeegsado ee waxa ay tahay aqoon waa in la adeegsado.
 
1) Culimada intooda khayr jecel ay umada ku baraarujiyaan ineysan aheyn waxa dadka iyo dhalinyarada lagu habaabinayo Diin iyo caqiido la rabo in lagu sugo Allah qowlkiisa ah "Laa Ilaaha Illalaah Maxamadun Rasuulullah" NNK ha ahaato oo cariga iyo ciida laga dhaqan gelinayo.
 
2) Aqoon yahanka iyo indheer garatada waa iney ka hadlaan oo shirar qabtaan lagu wacyi gelinayo umada, iyo sidii khatarta taagan looga hortegi lahaa.
 
3) Suxufiyiinta iyo inta ka shaqeysa warbaahinta waa iney si cad mowqifka umada ugu gudbiyaan aduun weynaha si dagaal aan naxariis laheyn loogu qaado xoogaga shisheeye ee dantooda ay tahay iney abuuran fowda si ay ugu dhuuntaan ama rug argagixisonimo oo ay ka duulaan uga dhigtaan dalkeena hooyo.
 
4) Waalidiinta waa iney ilaaliyaan oo la socdaan ubadkooda wixii ku saabsan, dugsiga ay dhigtaan, saaxiibada ay la socdaan iyo masaajidka ay ku xiran yihiin, baaqan si gaar ah waxa uu ugu socdaa bulsha ku nool dalka dibadiisa, maxaa yeelay waxa isoo gaaray in ninkii isqarxiyay hoteelka Shamo uu ahaa mid ku koray dalka Denmark da'diisuna ay aheyd 20 jir.
 
5) Waa in la qaban qaabiyaa banaan baxyo aan loo kala harin dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo is daba joog ah ilaa iyo inta isbedel xaqiiqi ah laga sugayo oo ku saabsan wadciga xarig goostay ee dalkeena ku sugan yahay.
 
Ugu dambeynta waxaan ka rajeynayaa labada maamul ee ka jira Puntland iyo Somaliland iney qaadaan tilaabo wax ku ool ah, sidii ay uga shaqeyn lahaayeen soo celinta wada jirka dalkeena, nabadgelyada, xasiloonida iyo sharafta umadeena, "Wadajir baa xoog leh dad kala maarmana ma ihin".