Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Diyaarad Ku Hub U Sidey

Sunday - December 13, 2009

Diyaarad Hub Siday kana timid W.Kuuriya oo Thailand lagu Qabtay 

Diyaarada Nooca Xamuulka ah oo Siday 35 Tan oo Hub ah kana timid dalka Waqooyiga Kuuriya iyo Shaqaalihii Saarna ayaa lagu qabtay Magaalada Bangkok Xarunta Dalka Thailand.

Hubkan oo ay ka mid yihiin Gantaalo iyo Hoobiyayaal ayaa la qabtay Xili diyaaradu soo fadhiisatay Madaarka Caalamiga ah ee Bangkok Airport oo ay doonaysay inay ka shidaal qaadato.

Afhayeen u hadlay Xukuumada Thailand oo la yidhaahdo Wattanayagorn ayaa sheegay in Arrin hadda ay  ku socoto baadhitaan ay wadaan ciidamada Thailand , Shanta Shaqaalaha ahna waxa la saari doona Maxkamada Dalka Thailand oo sharcigaa la marin doona"

" Waxaanu aaminsanahay in diyaaradu ka timid Waqooyiga Kuuriya oo ay jabinayso shuruucda iyo Qaraarada Qaramada midobay kasoo saartay Hub dhoofinta Dalkaas" ayuu ku daray hadalkiisa.

Tan iyo markii ay tijaabiyeen Hubka Nukliyeerka Bishii Shanaad ee Sanadkan Wadanka Waqooyiga Kuuriya waxa lagusoo rogay cunaqabatayn dhinaca hubka ah iyadoo aan la ogolayn inay iibiyaan hubkooda.

Iibka Hubka ayaa dalka Waqooyiga Kuuriya ay kasoo gasha lacag adag iyadoo lagu qiyaasay in sanadkii Hal Bilyan oo Dollar ay ka faaiidaan.

Ciidamada Booliska Thailand ayaa sheegay in Afar ka mid ah shaqaalaha Diyaarada saarna ay kasoo jeedaan Dalka Kazakhstan halka qofka kale kasoo jeedo dalka Belarus ee Yurub.