Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Casharkii Taxnaa Ee Caalim Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Ka Haqabtiraya

Thursday - December 17, 2009

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taao galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Shiikha Iyo Ka Faaiideysi Wacan

Ujeeddo : Natiijada Sahankii Baaris Caafimaad Ee Al- Digtoor Shuceyb U Ku Sameeyey Bulshada Soomaalida Ku Dhaqan Magaalada Riraad ee Cariga Boqortooyada Sacuudiga  

                   -----------------------------------------------------------------------------------------------------------------
 
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo Saliga Nebi Maxamed NNK ha ahaato, maanta oo Jimco ah waa maalintii ugu horeysay sanadka cusub ee islaamka 1431 Hijra, waxaan Allaha xaqa lagu caabudo ka baryayaa inuu umadeena islaamka ah guud ahaan uga dhigo sanad ay kala kulmaan barwaaqo nabad iyo xasilooni, gaar ahaan dadka iyo dalka Soomaaliya inuu uga dhigo bilowga bog cusub oo ay Nabad, Deganaasho, Horumar, iyo barwaaqo ay ku waaraan, Allow inta xaqa diidan oo dulmiga wada naga qabo adigaa awood badane, Allow caafimaad sii inta naga bugta, intii xagaaga u badatay Allow u naxariiso oo dembigooda dhaaf, Allow inta naga qaawan u lebis, inta gaajeysan irsaaqdaada ugu deeq, Allow innaga iyo waalidiinteen noo naxariiso oo khaatimada noo hagaaji adigaa naxariis iyo dembi dhaaf ehel u ah.
 
Bishan dhamaadka ah ee Decembar 2009, waxaan sameeyay daraasad ku saabsan qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalad Riyadh ee dalkan Saudi Arabia, waxey ku saabsaneyd cudurka Sokorowga DIABETES, ulajeedada waxey aheyd inaan si kooban u ogaado inta boqolkiiba qaba cudurka oo og iyo inta aan ogeyn, sidoo kale inta fiyow oo Cudurkan halista ah tan iyo hada uusan ku dhicin. Rugta daraasada aan ku sameeyaya waxey aheyd maqaayad ka mid ah kuwa ay aad isugu yimaadaan Soomaalida ku nool Riyadh iyo kuwa ka kala yimaada hareeraha magaalada, waxaan doortay labo maalin oo Khamiis ah oo ay u dhexeyso khamiis sadexaad, sababta aan u doortay maalmaha khamiista waxa ay aheyd inaan helo dad ku dhow 100, da'dooduna kala duwan tahay, meelo kala duwana ku kala nool magaalada Riyadh, sidoo kale maalinta Khamiista waa maalin dadka intooda badan shaqada ay ka fadhiyaan.
 
Dadka ka qeyb galay daraasada waxey u dhexeysay da'doodu  25 sano ilaa 87 sano, inkastoo soomaalida markey dhaafaan 50 sano ay qarshaan da'dooda runta ah, nooca dhiiga sonkorta aan ka qaaday waxuu ahaa midka loo yaqaan Random Blood Sugar, oo ah midka laga qaado qofka isaga oo wax cunay, maxaa yeelay way igu adkeyd inaan ka qaado iyaga oo Sooman, duruufo la xiriira dhaqaale iyo farsamodarteed, maadaama aysan laheyn bulshada soomaalida isku xirnaan wanaagsan iyo caqli wax wada qabsi ka baxsan midka ku saleysan qabiilka, waana mida dib noo dhigtay meel kasta oo aan ku nool nahay dunida, naga reebay inaan wax la qeybsano umada aduunka ku nool oo inala midka ah.
 
Natiijada kasoo baxday daraasada waxa ay aheyd sidan, tirada dadka aan ka qaaday dhiiga sokorta waxa uu ahaa 90 qof,  da'da dadka daraasada ka qeyb galay waxey u dhexeysay 25 ilaa 87 sano, Dhiiga sokorta  aan ka qaaday waxuu u dhexeeyay (RBS 61 mg% ilaa 407 mg%), 9 qof oo dadka ka mid ah wey ogaayeen iney qabaan Cudurka Sokorowga, 4 qof lama socon in dhiiga sokortooda uu ka sareyo 140 mg%,  kuwaa waxa aan kula taliyay iney iigu yimaadaan rugta caafimaad ee aan ka howl galo si aan uga qaado FBS oo ah dhiiga laga qaado qofka isaga oo sooman, guud ahaan 77 qof baa ka fiyoobaa Cudurka sokorowga.
 
Go'aanka iiga soo baxay daraasada waxuu noqday in bulshada soomaalida ee ku nool magaalada Riyadh boqolkiiba 8.1 ay qabaan cudurka sokorawga ayna og yihiin, sidoo kale (3.9%) boqolkiiba ay qabi karaan cudurka hase yeeshee aysan la socon, bulshada inteeda kale oo ah (69.1%) boqolkiiba ay ka fiyow yihiin cudurka Sokorowga.
 
Daraasadan aan sameeyay waxey laheyd dhaleceyn dhowr ah, oo ay ka mid aheyd in dadka aan ku sameeyay daraasada ay u badnaayeen Rag, dumarna waxa kaga jiray (3) sadex oo keli ah, sidoo kale tirada dadka oo aad u yareyd isla markaana ku koobnaa magaalo keli ah oo u badan dad soomaaliyeed oo sabool ah marka loo fiirsho kuwa ku nool Yurub iyo North America ama Australia, iyo qalabka iyo dhaqaalah daraasada aan ugu tala galay oo aad u yaraa.
 
Ugu dambeynta si loo sameeyo daraasad wanaagsan oo lagu ogaan karo tirada boqolkiiba qaba cudurka Sokorowga bulshada soomaalida dhexdeeda waxa loo baahan yahay dhaqaale, farsamo iyo tiro ka badan inta aan ku sameeyay daraasadan oo ku kala nool dalka kasta oo Soomaali ay ku nooshahay.
 
Waxaan rajeynayaa in mustaqbalka aan sameeyo daraasad midan kasii qota dheer hadii ay ii saamaxdo wakhtiga dhaqaalaha iyo farsamada, waxaan soo dhaweynayaa cidii dooneysa iney igala qeyb gasho oo ka mid ah saxiibadey Takhaatiirta, farsama yaqaanada Sheybaarka, anacsatada iyo bulshada inteeda kale ee dooneysa iney gacan ka geystaan la dagaalanka iyo hakinta cudurkan halista ah, cidii doonta iney gacan ka geysato waxa ay igala soo xiriiri kartaa emailka ii gaarka ah
[email protected], waan soo dhaweynayaa talo iyo taageero wixii aad damacdaan inaad uga qeyb gashaan daraasado midkan la mid ah, talaabada labaad ee aan doonayo waa inaan sameeyo daraasad ka balaaran oo ka qoto dheer midkan hada aan sameeyay.
 
Mahad oo Dhan Allah bay u sugnaatay, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa dadkii ka qeyb qaatay iney suuro gasho daraasadan, gaar ahaan walaalkey Ali Hassan Afrax (Cali Matooto) oo ii ogolaaday inaan daraasadan ku sameeyo Maqaayadiisa Banadir ee xaafada Qubeyra, Riyadh, Saudi Arabia.
 
Gabagabenta waxaan halkan salaan iyo hambalyo gaar ah uga soo jeedinayaa akhristaha bogga
www.galdogobtimes.com, maamulka bogan, qaraabada iyo saaxiibada, gaar ahaan xaskeyga iyo caruurteyda ku nool dalka Canada iyo Mareykanka, munaasabada Sanadka cusub ee islaamka, aniga oo dhamaan u rajeynaya Caafimaad, Nabad, Horumar, Allow naga yeel kuwii aad u fududeyso Cibaadadaada iyo sameynta ficilka khayrka.