Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Waa Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Idin Leh Sanad Kheyreed Barwaaqo Iyo Nabadeed .. Sanad Cibaado

Friday - December 18, 2009

Waxa maanta Oo Jimca ah Bilaabmay Sanadkii Cusbaa Ee hijriyada oo Noqday:

01\01\1431 oo ku beegan Bisha miilaadiga 18\12\20009

Bahda Goldogob Times waxay iyadana idin leedahay happy New Year best wishes and many happy retuns

Waxa Alle subxaana watacaalaa u dejiyey Kownkan nidaam uu ku socdo,wax kasta waxay leeyihiin nidaam u gaar ah,muddada iyo waqtiga waxa Alle ka dhigay mid leh tiro go’an oo ay ka bilaabmato kuna dhamaato:

Bilaha tiradoodu waa Laba iyo Toban bilood oo ku cad kitaabka Alle ilaa markii illaahay abuuray Samaawaadka iyo Arlada…

Bilaha Islaamka ee carabiga ahi waa sidan hoos ku taxan:

Muxaram,Safar,Rabiical awal,Rabiical aakhir,Jamaadal uulaa,Jamaadal aakhira,Rajab  Shacbaan,Ramadaan,Shawaal,Dulqicda,Dulxija.

Soomaalida bileheeda dhaqameed ee ilaa hadda miyiga ama baadiyaha laga isticmaalo, waa kuwo waxyar oo isbeddel ahi ku yimi laakiin asalkoodu yahay mid waafaqsan oo ka yimi bilaha Islaamka ee carabiga ah:

Dago, Bil-mawliid, Sabbuux, Rajasha 1aad,Rajasha 2aad,Rajasha 3aad,Gasayar, Shacbaan, Soon, Soonfur, Sidataal, Arafo