Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wiil Soomaali Degan Norwey Oo Bud Nafta Looga Qaaday

Sunday - December 20, 2009

Norway: 28-jir Somali ah ayaa u dhintay dhaawac bud oo uu u geystay nin Pakistani ah kadib markii ey isku qabteen goob garaash ah oo lagu farsameeyo baabuurta, waxaana wiilka Somaliga ah oo maalmo jiifay cusbitalka uu u geeriyooday xalay dhaawicii budka ee loo geystay, sida ey sheegeen takhaatiirta gacanta ku haysay.

Warar inaga soo gaaray Somali kale oo goob-joog aheyd marki uu falkani dhacayay ayaa waxa ey shabakadaan u sheegeen in marxuumka dhintay iyo ninka Pakistaniga ah ey isku qabteen lacag lagu dhaqay gaari uu lahaa marxuumka dhintay.

Pakistaniga ayaa la sheegay in uu bud la soo baxay kadib markii la isku afgaran waayay qiimaha gaariga lagu dhaqay, waxaana wararku ey intaasi ku darayaan in ninka Pakistanigu la dhacay garuunka ninka Somaliga, balse warkan wali lagama cadeyn dhinacyo kale.

Marxuumka dhintay ayaa la sheegay in goobaha lagala dhacay garuunka uu ka mid ahaa madaxa taasoo keentay in uu dhiig badan kaga boxo goobta garaashka ka hor inta eysan imaan gar-gaarka deg-degga ah iyo booliska oo wada socda.

Mudo afar casho ah ayaa la sheegay in marxuumka Somaliga ahi uu ku jiray cusbitalka iyadoona marwalba ey dhakhaatiirtu ka deyrinayeen xaaladiisa caafidaad.