Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Qarax Xoogan Oo Lala Beegsaday Gaarigi Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Iyo Dhaawac Ka Soo Gaaray

Sunday - December 20, 2009

Waxaa caawa qarax lala beegsadey gaariga Gudoomiayaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi ... Qaraxa ayaa dhacay caawa fiidkii waxaana uu ka dhacay dhanka galbeedka ee magaalada Garoowe oo u ku yaalo guriga gudoomiyaha, miinadana oo ah nooca lagu hago Remootka gacanta ayaa lagu aasay guriga iridiisa masaafo aan ka fogeyn.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac fudud uu ka soo gaarey Gudoomiyaha iyo laba askeri oo ka mid ahaa ilaaladiisi ... ma jirto tafaasiil laga baxshey in cid ku dhimatey iyo in kale,hasa ahaate warar aan si rasmi aan loo caddeyn ayaa tibaaxay in dareewalkii gaariga gudoomiyaha dhaawac kadib uu qaraxi ku dhintey. Qaraxa ayaa ahaa mid laga maqlaayey guud ahaan magaalada oo shicbkii goobti qaraxa ku soo xoomeen 

Waa qaraxii u horeeyay oo noociisa oo kale ah oo ka dhacay magaalada Garoowe, waxa ay arintaani qayb ka tahay qaraxyo sil-silad ahaa ee lala beegsanaayey goobaha amaanka iyo ciidanka amaanka ee Puntland.

Waa masuulkii u sareeyey ee qarax caynkan oo kale ah lala beegsado, arintan ayaa ah fariintii u danbeysey ee ay dirayaan kooxaha amaandarada ka wada Puntland, taas oo ay ku muujinayaan sida ay u bartilmaameedsan karaan qofkey doonaan, waxaana la dhawrayaa talabaada ku aadan ee Dawladdu qaado .... Koleyba sida wararku sheegayaan tuhun ayaa laga qabaa kooxo abaabulan oo falsafadoodu tahay Puntland iney fawdo ka dhigaan