Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Nin Isku Xukumay In Xaaskiisa Todobaadkiiba Mar Ay Feerto

Monday - December 21, 2009

Nin ku Nool Magaalada Chongqin ee Dalka Shiinaha ayaa la yimid Heshiis layaab leh oo uu la galay Xaaskiisa,
Ninkan oo lagu magacaabo Zhang oo 32-jir ah ayaa u tagay Dowlada Hoose ee Magaalada Chongqing si uu heshiis ula galo Xaaskiisa oo dagaal kasoo hadhay.

Ninkan ayaa Dowlada Hoose u sheegay inuu doonayo in lagu khasbo xaaskiisu inay saxeexdo heshiis dhigayo inaanay garaaci karin oo aanay gacan u qaadi karin ninkeeda hal mar wax ka badan todobaadkiiba.

Gabadhan oo ay is qabayn ninkan muddo lix bilood ah ayaa ka cabanaya inay dagaal joogto ah ku hayso oo mar walba gacanta u qaadayso sidaa darteed uu Sodogii siiyey fikrada ah inuu tago Dowlada Hoose oo heshiis dagaal la galo xaaskiisa iyadoo lagu khasbayo in todobaadkiiba hal mar garaaci karto ninkeeda.

Gabadha oo ka murugaysan Go'aanka lagu xadidayo inay Odaygeeda Feedh la dulmarto ayaa sheegtay inay u hogaasamayso Xukunka dowlada hoose oo todobaadkii halkaa mar ku tuman doonto odayga