Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Calankii Arlada Punt Iyo Arladi iLaahay" the land of punt and land of God" Oo la Aqoonsaday

Wednesday - December 23, 2009

Muqdisho- Hadaad umad wax u qabo is-tiraahdid koleyba waayi-misid Dad kaa daba qaata ... Nin meeli u cadahay meeli ka madow, Dad badan ayaa kala dareen ka muujiyey Calanka cusub ee dhawaan ay sameysteen Arlada Punt ... Qaar-baa markiiba candhuuftooda dib u liqay oo yiri waaba la ogaan falaadka ay soo wadaan, Rumeysana in maamulka Mr.Faroole ku sii siqayo Goosasho ... Qaarse waxayse codsadeen inaan lagu dag dagin jawaabta ama durida calankaasi cusub ... Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Barlamaanka Somaliya Prof. ayaa dhiniciisa Calanka Cusub ka hadlay 

Prof. Dalxa oo saxaafada ugu waramayey Muqdisho ayaa sheegay in Talaabada Puntland ee Calanka cusub aanay ahayn mid ka hor imanaysa Axdiga ku meelgaarka Somaliya oo ogol in Maamul Goboleedyadu Samaystaan Calan u gaaran.


"Waxaa qoraya Dastuurka Soomaaiya qododbkiisa 11-aad farqadiisa 2aad Xarafka B in Maamul Goboleedyadu suubsan karaan calan u gaar ah,umana arko aniga wax dhibaato ah ama tafaraaruq ah hadii Puntland calan la timid" ayuu yiri Prof.Dalxa.

"Taasi maaha mid mudan in loo ekeysiiyo in Putland gooni u go'day,hadiibaay Soomaalinimo ictiraafsan yihiin waxba kuma jabna inay calan subsadaan" ayuu mar kale yiri Maxamed Cumar Dalxa Gudoomiye ku xigeenka kowaadaad ee Baarlamaanka Soomaalyeed.