Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Tafaraaruq Waa La Arki Jiray, Tanse Waa Yaabe ...Shabaab Oo Falaad Cusub La Soo Baxday

Thursday - December 24, 2009

Kisimayo: Dhalinyaradda Magaaladda Kismaayo Iyo Al-shabab oo Isla Taag daran..Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa magaalada Kismaayo la dhax wareegaya maqasyo waaweyn una kuur galaya Dadka Surwaalada ay sitaan isla markasna maqas ku jiraya inta anqawga ka hooseysa.
Tan iyo maanta ayaa magaalada kismaayo waxaa lagu bacsanayay dhalinyaradii magaalada oo iska xaragoonaysa, waxaana isla markaas la arkayay rag sita surwaalo kala dheer oo si qaab daran ay u jareen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa la ugaarsanayay ragga Shaarbaha dhaadheer leh iyo kuwa garka xiray wixii ka dambeeyay intii ay awaamirta ku soo roogeen ragga ku nool magaalada.

Maaha markii u horeysay ee Shabaabku soo saaraan amarro loo xilsaartay Dowlad islaami ah oo wadanka oo dhan maamusha balse awaamirtan cusub ayaan aheyn kuwa xataa aysan amri karin Dowlad islaami ah, waana arrimo khaas ah oo aysan dowladi fara galin karin.

Tan kale awaamirtan cusub ayaan aheyn kuwa waajibnimadooda la isku raacsan yahay, taariikhdana marka dib loo fiirsho lama helayo Nabiga SCW oo dadka qasab uga dhigay in ay fuliyaan amarradan oo kale.

Ugu dambeyn awaamirta Shabaabku soo saaraan qaar kamid ah wax xiriir ah lama leh Diinta islaamka, qaar kalena waa kuwii dowlada loo xilsaartay oo ay qalad ku fuliyaan, ayagoo intaas ku darsaday in shacabka qasab ku amraan wax aan Allah iyo Rasuulkiisa qasab ka dhigin.