Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Casharkii Taxnaa Ee Caalim Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Ka haqabtiraya

Thursday - December 24, 2009

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taao galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Shiikha Iyo Ka Faaiideysi Wacan

Ujeeddo : Waa Maxay Sokorowga " Diabets Mellitus" Iyo Side Looga Hortaga  

 ACWW, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee xaqa lagu caabudo iyo Saliga Suubanaha Maxamed NNK ha ahaato, ugu horeynta waxaan dhamaan akhristaha bogan www.galdogobtimes xusuusinayaa in maalinta Cashuura ay waafaqsan tahay maalinta Axada 27 Decembar 2009, sidaa darteed qofkii doonaya inuu sadex maalmood soomo waa inuu bilaabaa maalin ka hor oo ku beegan Sabtida 26 Decembar iyo maalin ka dambeysa 28 Decembar, qofkii aan awoodi karin inuu sadex maalmood soomo waxuu soomi karaa labo maalmood, isaga oo maalin ka hormarinaya ama maalin ka dambeysiinaya, qofkii doona inuu maalin keli ah soomo waa inuu soomaa maalinta Axada oo ah maalinta Caashuura ama tobanka bisha Muxaram oo ku beegan sida aan kor ku tilmaamay,  fadliga weyn ee maalintan ay leedahay horay baan ugu sheegay maqaal hore, Allah hana waafajiyo inaan soono sadex maalmood si aan u helno ajarka weyn ee ay leedahay maalintaa.
 
 Jimcihii hore waxaan ka hadlay daraasad ku saabsan Cudurka Sokorowga loo yaqaan, sidaa darteed waxaan Jimcahan si kooban kaga hadli doonaa waxa uu yahay cudurkan iyo calaamadaha lagu garto, inta qeybood ee uu ka kooban yahay, dawada lagula dagaalamo si loo yareeyo waxyeelada dadban ee cudurkan uu leeyahay, sida looga hortago waxyeeladaa.
 
Waa maxay Cudurka Sokorowga (Diabetes Mellitus)?
Cudurkan waa cudur ka mid ah cudurada raaga (Chronic Diseases), sababta tooska ah ee keenta lama yaqaan inkastoo la yiraah waa la iska dhaxlaa, ama dhibaato ka timi bii'ada loo saarsho, waxa la isku raacay in asbaab kala duwan oo fara badan ay sabab u noqon karto in cudurkan la qaado, waxuu cudurkan haleeli karaa caruurta da'da yar, dadka da'doodu yartahay iyo dadka da'dooda ay ka sareyso 35 sano, guud ahaan waxa loo qeybshaa labo nooc, kan hore oo ah midka ku dhaca dadka da'da yar iyo caruurta, noocan qofka qaba wuxuu u baahan yahay in la siiyo dawada loo yaqaan Insulinka, ama cirbada la isku mudo, nooca labaad ee ah midka ku dhaca qofka markii da'diisu gaarto 35 sano iyo ka badan, waxa la siiyaa dawada afka laga qaato ama kiniiniga ah, dawadaa oo guud ahaan noqon karta laba nooc, ulajeedada casharkan ma aha inaan si' gudagal ah uga hadlo dawada lagula dagaalamo Cudurkan ee waxey tahay inaan fikrad baahsan ka siiyo akhristaha bogan dawooyinka loo qaato Sokorowga, waxa kaloo marar fara badan bukaanka qaba cudurka lagu daweeyaa iyaga oo lagula taliyo iney jimicsi badan sameeyaan sida socodka, dabaasha ama wixii kaloo la mid ah hadba jimicsiga ku aadan da'da qofka jiro, iyo in ay iska dhowraan cunada macaanka ku badan tahay, hadii tilaabadaa ay natiijo dhalin weydo waxa loo baahan yahay in la siiyo bukaanka dawada afka laga qaato, nooca hore ee ku dhaca dhalinyarada iyo caruurta da'da yar had iyo jeer waxey u baahan yihiin iney qaataan dawada Insulinka maadaama qanjirka PANCREAS ka ee sameeya Insulinka uu shaqo gabay gebi ahaan.
 
Calaamadaha ugu badan ee cudurkan lagu garto waxa ka mid ah Haraad farabadan oo ay sabab u tahay qofka bukaanka ah oo ku badato kaadida iyo biyaha jirkiisa ka baxaya, labadan oo ah biyo badan oo la cabo, iyo kaadi badan, waa waxa ugu badan ee bukaanka uu ka sheegto, waxa dhici karta in calaamado kaloo fara badan uu bukaanka ka sheegto kuwaa oo ay ka mid tahay wareer fara badan, cun-cun jirka oo dhan, nabro sida dhulaxa ama finanka oo kasoo yaaca iyo boogaha oo aan dhakhsi u bogsoon.
 
Waxyeelada dadban ee cudurkan ku lifaaqan waxa ka mid ah dhaawac gaara xididada dhiiga qaada, iyo kuwa dareenka, kelyaha iyo shabakada wax araga ee indhaha, inta badan waa laga hortegi karaa ama waa la dhimi karaa waxyeelada soo gaara bukaanka hadii bukaanka si joogta ah u qaato dawada uu u baahan yahay, sokorta dhiiga laga yareeyo 110 mg% isaga oo sooman, 140mg% isaga oo wax cunay, inkastoo ay aad iyo aad u adagtahay in guud ahaan la hakiyo ama laga adkaado cudurkan hadana dadaalku waa inuu noqdaa in bukaanka loo fududeeyo inuu nolol wanaagsan uu helo oo laga yareeyo waxyeelada dadban.
 
Sidee looga hortegi karaa Cudurkan?
Inkastoo ay adagtahay in jawaab toos ah laga baxsho sifaha looga hortegi karo maadaama aysan jirin sabab keli ah ee keenta cudurkan, waxa bulshada lagula talin karaa iney sameeyaan talaabado dhowr ah oo ay ka mid tahay:
 
1)- Waa in la yareeyo guurka dadka qaraabada dhow ah.
2)- Waa in la sameeyo baaritaan caafimaad, guurka ka hor, si looga hortago cudurkan ama kuwo kaloo fara badan oo dhaxal ku yimaada.
3)- Waa in la yareeyo waxyeelada ka yimaada Bi'ada lagu nool yahay.
4)-  Waa in laga fogaado wixii jirka wax u dhima kara oo dhan, sida Sigaarka, Qaadka, khamriga iyo Maan-dooriye yaasha guud ahaan.
5)- Waa in la wanaajiyo nafaqada jirka laga bilaabo ilamaha marka ay dhashaan ilaa qofka inta uu ka dhinto.
6)- Waa in la sameeyo baaritaan caafimaad oo Joogta ah, sanadkii mar ama ka badan, hadba inta dhaqaalaha kuu saamaxo si loo ogaado cudurkan inta uu cusub yahay kadibna wax looga qabto.
7)- Waa in wacyi gelin ku saabsan cudurkan bulshada la siiyo si loo garto dhibaatada culus ee cuurku leeyahay.
 
Intaan oo keli ah kuma eka, ka hortaga curkan hase yeshee waan soo koobay si looga caajisin akhriska maqaalka marka uu dheeraado.
 
Ugu Damdeyta waxaan Allah ka baryayaa inuu caafimaad siiyo bukaankeena iyo bukaanka muslimiinta isagaa awooda wuxuu doono.