Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Jaceylka Dhabta Ah Iyo Kan Dhalanteedka Maxaa Lagu Kala Gartaa ... By C/qani Maxamed Nuur

Friday - December 25, 2009

Faalo Aqooneed:
Jacaylka Dhabta Ah Iyo Ka Dhalanteedka Ah  Maxaa Ka Lagu Kala Gartaa?!!!
Haddii lagu waydiiyo faraqa u dhexeeya jacaylka dhabta ah iyo ka been beenta dhalanteedka ah maxaad odhan lahayd?
Inta aanad su’aashan ka jawaabin marka hore waa in aad taqaanaa waxa jacaylku yahay iyo macnihiisa guudba, erayga jacayl oo af ingiriisiga lagu yidhaahdo LOVE waxa uu ka kooban yahay 4 xaraf oo la isku daray midkastaana macno gooniya uu leeyahay, haddii aynu qorno erayga LOVE waxa loo soo gaabiyey waxay noqonaysaa sidan:
L = Listen (dhagaysi)
O = Over look (daryeelid)
V = Valme (qiimayn)
E = Express (muujin kalgacal)

Haddii aynu sharaxno xarafka hore ee ‘L’ waxay ka taagan tahay in qofku ruuxa uu jecel yahay ama jecel uu si xad-dhaaf ah u dhegayso sheekadiisa iyo hadalladaiisa, isaga oo ereykasta oo ka soo baxa afka qofka uu caashaqsan yahay qiimayn weyn siiyo, iyada oo isla markaana weedhaha jacaylkiisu ku tiraabaa ay qalbigiisa qaboojiso.
Xarafka labaad ee ‘O’ waxa uu ka dhisan yahay daryeel iyo lexojeclo xad-dhaaf ah oo aad siiso ruuxa aad jeceshahay ama aad ka hesho qofka ku jecel, isaga oo maskax ahaan jidh ahaan, dareen ahaan, nolol ahaan iyo farxadaba dhibaya isla markaana waxyeelo u keenaya.
Erayga saddexaad ee ‘V‘ waxay u taagan tahay in aad qirto qiimaha iyo wanaaga qofka aad jeceshahay adiga oo qiimayn iyo qadarin aanad qof kale oo ku nool dunida u quudhayn u haya sida dhabta ah u jeceshahay, isla markaana qofka ku jecel waa in aad ka heshaa astaamahaas.
Ereyga u dambeeya ee jacayl loo soo gaabiyo waa ‘E’ oo ah in aad qofka aad jeceshahay u muujiso sida aad uga heshay iyo cishqiga aad u qabto eray ahaan iyo ficil ahaanba, sida adiga oo ku ydhaahda, waan ku jecelahay, caashaqa iyo kalgacalka aan kuu qabaan maaha mid la soo koobi karo qalbigayga iyo halbowlayaasha dhiigga ayaad saldhig ku leedahay. Ficil ahaana waxay noqonaysaa qofka aad jeceshay oo markasta aad u keento hadiyado yaryar oo uu ku farxo ama ku faraxdo, taas oo aad ku muujinayso dareenka jacaylka ee aad hayso.

Haddaba, qofka bani’aadamka ah way ku adkaataa in uu inta badan kale saaro jacaylka dhabta ah iyo khiyaaliga ah, laakiin waxa daruuri ah in qofku marka uu damco in uu kala garto kalgacalka runta ah iyo ka beenta ah in uu u dhuuxo habka ay culimada ku takhasusty jacaylku uu u qeexeen markaa waxaad waxoogaa yara kala garan doontaa jacaylka dhabta ah iyo ka dhalanteedka ah, dadkuna kala saarida labada nooc ee jacaylka way ku kala aragti duwan yihiin, culimaduna siyaabo kala duwan bay u fasiraan, laakiin waxay badankoodu isku raasan yihiin in jacaylka dhabta ahi uu yahay ka ku qotoma afarta xaraf ee loo soo gaabiyey caashaqa, waanna dareen saafi ah oo aad ugudbiso qofka aad jeceshahay, kaas oo dhiga ruuxa ugu farxada badan dunida, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waxaad u tixgelisaa si qoto dheer oo ixtiraam mudan, waxaanad dareentaan in nafahiina isku mid yihiin oo saacadaha qalbigiinu isku buuxaan,

Taas macnaheedu waa haddii qofka aad jeceshahay wax yar oo dhib ahi la kulanto in aad markaaba dareento, haddiise saacadaha qalbigiinu ilbidhiqsi yar kal horreeyaan oo aanay isku buuxin lama odhan karo jacaylkiinu waa uu gaadhay heerkii loo baahnaa, haddiise saacadaha qalbigiisu ilbidhiqsi yar kala horreeyaan oo aanay isku buuxin lama odhan karo jacaylkiinu waxa uu gaadhay heerkii loo baahnaa.
Jacayla dhabta ah waxa loo dareemaa si qiiro iyo la yaable, waxaanna la doonaa in qofka aad jeceshahay waqti walba la joogto oo nolosha inta ka dhimman la wadaagto, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waa ka wanaagaaga doona, haddii aad ficilo xunxun kula dhaqanto kuu dulqaata, waa ruuxa akhrista qalbigaaga iyo waxaad damacsan tahayba, kaas ayaa la yidhaahdaa waa jacayl dhab ah.
Jacaylka iyo kalgacalka beenbeenta iyo dhalanteedka ahina waa ka ay ka maqan yihiin, dhagaysiga, daryeelka, qiimaynta iyo muujinta dareenka jacayl ee aad xambaarsan tahay, waayo jacayl khaaliga ah waxa lagu gartaa qofka oo dhagaysigaaga ka caajisa, qofka oo aan daryeel kuu muujin, ruuxa oo aan ku qiimayn, kuna yasa, daymadiisa, hadalkiisa iyo dabeecadihiisana ka dhadhansan mayso astaamo jacayl oo uu kuu qabo.
Jacaylka dhalanteedka ah waxa lagu gartaa qofka oo iska yeelyeela in uu ku jecel yahay, iyada oo afku ka xado erayo aan dhagahaaga raali galinay, jacaylka dhalanteedka ah cimrigiisu ma raago oo waxa uu xidhiidhkiisu ku burburaa muddo yar oo gaaban, kaas oo lagu garto jacaylka khiyaaliga qofka oo ballan kuu qaada oo jar jara, isaga oo ku marmarsooda hawl baan hayey iyo cudur-daaro aan maangal ahaynd.
Ubaxyada Cascas oo laga Mamnuucay Sucuudiga
Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa mamnuucday iibinta ubaxyada midabada cascas leh ee dareenka jacaylka lagu muujiyo, iyada oo tallaabadan loo qaaday maalinta jacaylka dunida ee loo yaqaano Valentines Day oo innagu soo fool leh awgeed, waxayna dawladdu soo jeedisay in lammaanaha isqaba ay siyaabo kale ku muujiyaan cishqiga u dhexeeya.
Sida ay saxaafadda Sucuudigu qortayna guddiga sare ee Boqortooyada u qaabilsan arrimaha diinta ayaaku amray dukaamada ubaxyada iibiya iyo meheradaha kaleba in habayaraatee aanay qofna ka iibin karin ubaxyada cascas, iyadoo meheradaha lagu qabtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, waxa kale oo laga mamnuucay in ay ubaxyada ku soo bandhigan meherahooga hartooda si aanay indhaha dadka u soo jiidanin.
Waxayna guddigu sheegeen in aanay u bannaanayn ummaddaha islaamka inay u dabbaal deggaan xusaska reer galbeedku samaystaan sida maalinta jacaylka dunida, taas oo dhiirigalinaysa in dhallinyarada aan guurka xalaasha ah isku qabin ku kacaan falal fawaaxishah, sida sinnada iyo wixii la xidhiidhaba.
“Muslim ahaan uma dabbaal degi karno xusaska gaalada iyo reer galbeedka, iyada oo xusaska qaarkood fawaaxish ka dhalan karo.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Khalad Al-dossar oo arrimaha islaamak daraasado ka diyaariya, isaga oo u warramayey jariirada The Gezeztte ee ka soo baxda Sucuudiga.
Dadka iyaguna ka ganacsada ubaxyada ayaa qiray in laga mamnuucay iibinta ubaxyada, “Guddiga diinta ayaa nasoo booqday, waxayna nasiiyeen digniin ah in aan wax ubaxyo ah la iibin karin.” Sidaa waxa yidhi nin Sucuudi ah oo meherad ku haysta magaalad Riyaad, kaas magaciisa qariyey.
Waxayna jariiradu intaa raacisay in mamnuucidan lagu so rogay iibinta ubaxyada cascasi ay horseedi karto in suuqyo madawbi ka furmaan Sucuudiga, kuwaas oo si qarsoodi ah looga iibin doono dhallinyarada raba in ay maalinta jacaylka u dabbaal deggaan, iyada oo xilliyadan oo kalena uu qiimaha ubaxu si qaali ah sare ugu kaco.
Dadka aan muslimiinta ahayn ee ku dhaqan Sucuudiga ayey dawladdu u ogolaatay in ay maalinta jacaylka guryahooga dhexdooda ugu dabbaal deggaan iyada oo sida saxaafaddu qortayna dhallinyaro badan oo is jecel oo Sucuudiyiin ahina ay qorshaysteen inay dalalka Sucuudiga jaarka la ah sida Dubai iyo Baxrain u qaxaan si ay maalintaa jacaylka dunida si xor ah ugu dabbaal deggaan.
14 February ayaa sannadkasta dunida laga xusaa maalinta jacaylka, taasoo waddamada islaamak ahina arrintaa ka soo horjeedsaden, iyaga oo ku tilmaamay wax dhaqan xumo ah oo diinta islaamka aanay ogolayn.
8 sannadood ayuu maydkiisu qol dhexyaalay!
Nin aan la aqoonsan ayey boolisku maydkiisa ka heleen dhisme ku yaal magaalada Bristol ee dalka England, kadib markii uu qol dhexyaalay siddeed sannadood, iyada oo aan habayaraatee laga warhaynin, arrintan waxay ka dambaysay markii ay dadka jaarka la ahaa dhismaha uu maydkani yaalay muddo badan ka cabanayeen ur qudhmuun oo kagaga soo baxaysa dhismaha, taa soo muddadaaba shaqaalaha caafimaadku isaga dhegotirayeen wax-ka-qabashada codsiga dadka kaga imanayey, waxayna shaqaalaha caafimaadku markii dambe baadhitaan ku sameeyeen dhismaha urta qadhmuuni ka soo baxaysay, waxayna halkaas ka heleen nin mayd ah oo jidhkiisu qudhmay oo baaba’ay, kaas oo la aaminsan yahay in qiyaastii uu siddeed sannadood isaga oo mayd ah qolka yaalay, arrintan dadkii ku noqotay la yaab iyo u qaadan waa.
Ninkan oo aan la aqoonsanayn ayaa la sheegay in qiyaastii markii uu dhintay da’diisu ahayd 70 jir, kaas oo qolka uu kula noolaan jiray nin isaguna 70 jir ah oo markii dambe boolisku xidheen, iyaga oo ku eedeeyey in uu ku fashilmay in ninka maydka ah uu sheego si loo duugo, waxaanna markii dambe la ogaaday in isaguna uu maskaxda ka xannuusanayo.
“Siday suurtogal u noqonaysaa in qof maydkiisu uu ql magaalo ku yaal muddadaa dheer dhexyaalo iyada oo aanay cidina ogaan oo nolosha dadka deegaankuna si caadi ah isaga socoto.” Sidaa waxa yidhi Dawn Primarolo oo ka tirsan Baarlamaanka England isaga oo arrintan xun oo u warramayey saxaafadda England.