Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kaadida Iyo Caanaha Geela Oo La Sheegay Iney Daaweyaan Cudurada Kansarka

Sunday - December 27, 2009

Gabar caalim Ah Isla markaana ka tirsan khubarada wax baarta ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in baaritaano ku ogaadeen in kaadida Geela ay daaweyso xanuunka kansarka .. Gabadhaan oo madax ka ah qaybta baaritaanka jaamacada Boqor Fahad oo magaceeda la yiraahdo Dr.Faatin Qoorshiid oo u warameysey wargeyska Cukaad iyadoo sheegtay iney baaritaan badan oo ay ku sameeyeen Caanaha iyo Kaadida Geela ay ku ogaadeen in kaadida Geelu ay daaweyso cudurka kansarka, isla markaana ay kaadida Geela nadiif tahay iyadoo intaa ku dartay in kaadidaa xitaa haddi la dhigo qol kulul muddo isbuuc ah aaney isbadaleyn.

Dr. Faatin ayaa waxay sheegtay in baaritaankaan laga soo xaqiijiyey xarumo waaweyn ee wax lagu baaro sida Mareykanka, Shiinaha iyo Yurub.

Takhtarada ayaa waxay ay sheegeen in qofka qaba xanuunka kansarka u isticmaalikaro kaadida Geela iyo waliba caanihiisa iyadoo la doonayo ama ay wanagsantahay inu cuno khudrad isla markaana iska ilaaliya hilibka Cas.

Dr.faatin ayaa waxay intaa ku dartay in dadka ay ku daaweyaan kaadida Geela ay weli socoto, laakiin ay kaadidaas dad badan daaweysey iyadoo ay waliba kaadida iyo caanaha Geeluba ay aad ugu wanaagsanyihiin qofka u ku cusubyahay xanunka kansarka inkasto u daaweyey xitaa dadka heerka labaad ku marayo ayey tiri

Takhtaradu waxay kalo sheegtay in kaadida Geelu ay daaweyneyso noocyada kansarka oo dhan iyadoo ay jiraan bey tiri dad iyagu doortay iney isku daaweyaan kaadidaa geela oo aan qaadan jirin wax daawo oo kale kuwaas oo iminka ay qaarkoodna si wanaagsan uga bogsadeen xanuunkaa qaarkoodna meel wanagsan ay u mareyso iyado sheegtay in caruurtu ay qaadanayaan in ka yar inta ay dadka waaweyn qaataan.