Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweye Duq Cumar Geele Oo Taageero Buuxda Siinaya Isimada SSC Ee Ka Soo Horjeeda Ujeedka Som/Land

Monday - December 28, 2009

kulan siyaasadeed ayaa dhexmaray xubno ka tirsan Hogaanka Sool Sanaag iyo Cayn oo ay weheliyaan Isimada SSC ee jooga Jabuuti iyo Madaxynaha Jabuuti Ismaciil Geelle

Waxaana Maanta Kulankaas ku dhex Maray Aqalka Madaxtooyada Dalka jabuuti Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti iyo wafdi ka Socday Ururkaa la baxay Hogaanka Badbaadada iyo Mideynta SSC Dr: Suleiman Ciise Axmed oo ay weheshaaan Issimada Jooga Jabuti Garaad Jamaac Garaad Cali iyo Garaad Cali Buraale .

Kulankan ayaa la sheegay inu ku dhacay Waji wanaagsan kuna dhamaaday is afgarad iyadoo laga wada hadlay dhibaatada deegaanada SSC iyo Xaalada Dalka Soomaliya Guud ahaanba .

Madaxwayne Geele ayaa sheegay Inuu taageerayo Hogaanka sidii uu Hawlihiisa u Gudan lahaaa Kuna Baaqay In la raadiyo Midnimo Soomaliyeed Hogaankuna Noqdo Mid Somalida isu keena waxuuna si gaar ah u tilmaamay in dadweynaha Soomaaliyeed ay u hiilanyihiin heshiis nabadeed oo ummada dhex mara,waxuu kalo carabka ku dhuftay in deganaashaha iyo nabada soomaaliya ay dan u tahay jamhuuriyada jabuuti ...waxuu kalo tilmaamay in haddi xaqiiqada iyo runta la baal maro ay tahay Hoog iyo ba' baadilnimo ku qotanta ... kolkii la isu tixgaliyana walaalnimo iyo danta guud waxaa imaaneysa is darajeyn ayuu intaa raaciyey.

Kulankan oo qaatay Muddo dhawr saacadood ah ayaa Ku dhamaatay sida ay sheegeen waji is afgarad ah iyadoo laga Balamay sidii wax looga qaban lahaa talooyina looga gaysan Lahaa dhibaatooyinka ka jira Gobalada Sool Sanag iyo Cayn iyo guud ahaan Somalia.