Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Al- Shabaab Oo Siyaasad Cusub ka Bilaabay Wadamada Geeska Afrika

Tuesday - December 29, 2009

Washington- Hay’adaha sirdoonka wadamada Mareykanka iyo Ingiriska ayaa war ay soo saareen waxaa lagu sheegay in ururka Al-Qacida uu haatan bilaabay siyaasad cusub oo uu kaga hawl galayo wadamo ku yaala geeeska Africa oo ay Somalia ka mid tahay.

Warkaan oo uu qorey wargeyska The Guardian ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in go'aanka sare ee urur-weynaha Al-Qacida ay bilaabeen in dagaalyahano fara badan u daabulaan wadamada Somalia iyo Yemen kadib markii uu culeys fara badan uga yimid wadamada Afghanistan iyo Pakistan, taasoo keentay in Qaacidada haatan ay hawlgalo ka sameeyaan dalalkaas geeska afrika si u helaan gobo ay gabaad ka dhigtaan.

Warku waxaa uu sido kele intaa ku darayaa in ururka Al-Qacida ay garab ka heleen xoogag hubeysan ee ku fikirka ah kuwaasoo markii horebe ku sugnaa wadamada Somalia iyo Yemen, waxaana hay’aduhu sheegeen inay jiri karto khatar fara badan oo wadamadaasi ka timaada.

Warkaan ay sida wada jirka ah u baahiyeen hay’adaha sirdoonka wadamada Mareykanbka iyo Ingiriska ayaa waxaa lagu sheegay in haatan Somalia ay joogaan dagaalyahano Al-Qacida ka tirsan isla markaana ka garab dagaalama xoogaga Somalia ka dagaalama ee diidan siyaasada dawlada KMGS iyo joogitaanka ciidamada shisheeye.

Wargeyska The Guardian oo warbixintaan qoray waxaa uu leeyahay madaxda sare e ururka Al-Qacida waxay dagaalyahano badan ka daabuleen wadamo ku yaala bariga qaarada Asia waxayna sidoo kale ku dhiira-galiyeen dhalinyaro fara badan oo Somalied oo qurba joog ah inay Somalia dib ugu laabtaan oo dagaalamaan,waxayna warbixintu intaa ku dartay in Al-Qacida ay dooneyso inay xarumo ka sameysato wadamada Somalia iyo Yemen.

Hay’adahan sirdoonka ee wadamada Mareykanka iyo Ingiriska waxay sheegeen in Somalia ay dagaalyahno Carbeed ay joogaan ay cadeyn u tahay weerar bishii September, ee sanadkaan ka dhacay gudaha Somalia oo ay fuliyeen ciidamo Mareykan ah lagunaa dilay saraakiil Al-Qacida iyo Xarakatul Shababul Mujaahidiin ka tirsneyd. Iyadoona sidoo kale dagalyahanadaas Al-Qacida ka tirsan ay tababaraan cidamada xooga islamiyiinta ah ee Somalia jooga sida warbixinta lagu yiri.

Si kastaba ha ahaatee wargeyska The Guardian aya waxaa uu warbixintaan uu qorey islamarkaana uu ka soo xogtay hay’adaha sirdoonka Marekanka iyo Ingiriiska ayaa waxaa uu ku sheegay in dagaalyahano fara badan oo Carbeed ay sanad walba tagan wadamada Somalia iyo Yemen kuwaasoo u diyaar ah inay la dagalamaan danaha wadamada reer galbeedku ka leeyihiin wadamada bariga Africa iyo qaar ka mid ah wadamada Carbeed.