Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Naceybka Iyo Karaahiyada Loo Qabo Islaamka Oo Ku Si Badaneysa QaaraddaYurub

Wednesday - December 30, 2009

Iyada oo ay maalinba maalinta ka dambaysa isa soo tarayaan cadaadiska iyo hatigaada lagu hayo shucuubta islaamka ah ee dunida guudkeeda ku nool gaar ahaan goobaha lagaga tirada badanyahay ayay kor u sii kacaysaa nacaybka isa soo taraya ee shucuubta adduunka ee aan islaamka ahayni u qabaan dadka islaamka ah.

Warbixin dhawaan ka soo baxday xarun gaar ah oo falanqaysa arimaha bulshada oo uu masuul ka yahay ninka maal qabeenka ah ee lagu magacaabo George Soros ayaa sheegaysa in baahi weyn loo qabo sidii loo yarayn lahaa nacaybkan isa soo taraya ee dhinaca fikirka ah (ideology) ee ka dhanka ah dunida islaamka.

Warbixintan ayaa tibaaxaysa in nacaybka iyo karaahiyada sii badanaysa ee loo qabo shucuubta islaamku tahay arrin aan indhaha laga qarsan karayn oo u baahan in wax laga qabto, wakhtigana ka mid ah mashaakilka dunida ka taagan. Warbixintan ayaa sheegaysa in nacaybkaasi ku soo badanayo dunida guudkeeda gaar ahaan qaaradda Yurub.

Warbixintani waxa kale oo ay hoosta ka xariiqaysaa in dadka islaamka ay isugu darsameen laba arrimood kuwaasi oo kala ah dhaqaale xumada adduunka ku habsatay oo si gaar ah dadkan u taabatay maadaama ay u badanyihiin kuwa ku tiirsan wax soo saarka iyo shaqooyinka xoogsiga ah iyo arrinta labaad oo ah milanka ay hore ugu dhex milmeen shucuubta kale ee ay kala diimaha yihiin kuwaasi oo mar kali ah ku baraarugay karaahiyada isa soo taraysa ee ka dhanka ah dadka islaamka ah.taasi oo keentay in ay maanta ka faquuqmayaan dadkii ay hore ugu milmeen.

Guud ahaan qaaradda Yurub ayaa u sii xuubsiibanaysa goob ay si weyn ugu sii badanayso aragtidan islaam nacaybku. Warbixintani kuma dheeraanayso waxa sababta u ah nacaybkan iyo halka ay sartu ka quruntay iyo waxa sii kordhinaya nacaybkan balse waxa ay si kooban uga hadlaysaa in aragtidani qaaradda Yurub ku sii baahayso loona baahanyahay in si degdeg ah wax looga qabto maadaama shucuubta islaamku ka mid yihiin dadka ay la noolyihiin iyaga oo la xuquuq ah.

Drs Naadiya Xuseen oo ah maamulaha mashruuca "hoyga qaaradda Yurub" oo hoos taga machadka arrimaha bulshada ee qaarada Yurub oo dhawaan saxaafadda u warramaysay ayaa tiri: "qaaradda Yurub waxa ay u baahantahay in ay dib u soo celiso heerkeedii mujtamac ee furfurnaantu astaanta u ahayd, Mamnuucistii ay Switzerland dhawaan ku mamnuucday manaaradaha masaajidadu waa astaan muujinaysa dareen aan wanaagsanayn oo ka dhan ah shucuubta islaamka oo sii kordhaya. Taasina waa mushkilad hor leh oo xaqiiqo ahaan ka hana qaadaysa qaaradda Yurub".

Warbixintii aynu soo xiganaynay hadii aynu dib ugu noqono waxa ay leedahay dadka msulimiinta ahi celcelis ahaan iyaga ayaa ugu badan tirada dadka shaqo la'aantu ku habsatay. Waxa kale oo kor u sii kacaya dhaqaale xumada qoysaska islaamka ah ee ku nool qaarada Yurub. Inkasta oo mujtamaca ay la noolyihiin ay waxyaabo badan kala mid yihiin hadana waxa si gaar ah u haysta duruufo daqan dhaqaale oo badan.