Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Casharkii Taxnaa Ee Caalim Al- Digtoor Sh.Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Ka Haqabtiraya

Thursday - December 31, 2009

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taao galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Shiikha Iyo Ka Faaiideysi Wacan

Ujeeddo Casharka Maanta: Dardaarankii Weynaa Ee Suubanaha Maxamed NNK ha Ahaato

ACWW, Salaanta islaamka ee sharafta badan ayaan ku salaamay bahda galdogobtimes.com iyo dhamaan akhristaha sharafta iyo mudnaanta badan, Waxaan maqaalka Jimcahan ku bilaabayaa magaca Allah iyo Suubanaha NNK ha ahaato, Waxa dhamaaday sanadkii 2009 ee aduunka intiisa badan ay isticmaalaan si ay ugu tirsadaan maalmaha sanadka iyo bilihiisa kala duwan, laba usbuuc ka horna waxa dhamaaday sanadkii Hijriga ee dalal yar oo islaam ah ay isticmaalaan sida dalka Boqortooyada Saudi Arabia iyo kuwo kaloo aan badneyn, waxaan horay maqaal ugu qoray dardaaran iyo is xusuusin si nafta loola xisaabtamo inta aan talo faraha ka bixin, qofka muslimka ahna waa inuu u dhexeeyo cabsi Allah xagii ah iyo rajo in Allah (xaqa lagu caabudo) uu wixii dembi ah u cafiyo adoonkiisa markuu usoo laabto oo u towbad keeno.

Jimcahan waxaan jecleystay inaan idiinku soo gudbiyo email aan ka helay gabar ka mid ah walaalaha liiska iigu jira ee si joogta ah u akhrista boga galdogobtimes, waxuu ku saabsan yahay dardaarankii Suubana uu uga tegay umadiisa markii ay soo dhawaatay ajashiisa, Wuxuuna Suubana yiri isaga oo umadiisa la jecel kheyrka dunida iyo mida aakhiro: Waxaan idiin dardaarmayaa salaada iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu. Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horeeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii Isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday. Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaada subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: 'Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaadii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: 'soo gal Bilaal', waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna (SCW) wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaada dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah. Masjidkii ayuu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri 'Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaada tujiso' Abuubakar markuu arkay mixraabkii uu Nebigu (NNKH) istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsadiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu (NNKH) wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri ' Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?' waxay tiri Faadumo 'Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen'. Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaadii ayuuna ka bixiyay asxaabtii, salaadii kadib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: 'Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro'.

Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowd wuxuuna yiri: 'Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal guriga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo'. Malakul-mowd wuxuu u tagay Nabigeena Maxamed (NNKH) isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: 'Assalamu calaykum ma soo galaa?' Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: 'Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay Nafsadiisa'!! Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii. Rasuulka (NNKH) ayaa Faaduma ku yiri: 'Ma garanaysaa ninka?'. Faaduma waxay tiri: ' Maya' rasuulku wuxuu yiri: 'waa ninka gooya wixii macaan, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt'.
Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: ' musiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kadibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horeeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)' wuxuu kaloo rasuulku yiri:' malakul'mowdow soo gal' wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. 'Assalamu calayka yaa rasuullulaah' rasuulkuna wuxuu yiri 'wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?'. Malakul-mowt wuxuu yiri: 'waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:'waxaan uga soo tagay samada aduunyada', isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: 'miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:'waan ogahay rasuulkii Illaahayow'. Rasuulku wuxuu yiri: ' iigu bishaarey illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)', Malakul-jibriil wuxuu yiri: 'albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxaaga, albaabadii jannada waa la wada furay'. Rasuulku wuxuu yiri: 'iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?'. Malakul-jibriil wuxuu yiri: 'waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH) galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha illaahay oo dhan illaa ay umada Nabi Muxammad ka galaan'. Rasuulkuna wuxuu yiri: 'hadda ayuu dhayib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii'. Rasuulku wuxuu yiri: 'malakul-mowdow ii soo dhowow'. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday ilaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta. Rasuulku wuxuu yiri: 'maxaa darnaan badiyey xaraarada (xanuunka) mowdka', wuxuu kaloo yiri: 'malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?'. Malakul-jibriil wuxuu yiri ' Illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya'. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: ' Nabigu markay naftu kabaxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu. Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin Isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii aduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay: Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha Fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa'isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha (NNKH.).