Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shiikh Caan Oo La Afduubay Nolol Iyo Geerina Baadi Goob Loogu Jiro

Friday - January 1, 2010

Sh. Max’ed Weheliye Bool (ilkadahab) oo ah 83 jir mudo mudo 5 bilood ka hor laga afduubay magaalada muqdisho ayaa markii ugu horeesay qoyskiisa walaac ka muujiyeen nolosha Aabahood oo ay shegeen in nolal iyo geeri midna ku ogeen.

Wiil uu dhalay Sheekha oo lagu magacaabo C/Shakuur Sh,Maxamed Wehliye Bool oo Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in Aabihii 02/06/09 Gurigii uu daganaa ay soo weerareen koox hubeesan oo watay 3 gaari oo kuwa dagaalka ah halkaasina ay ku dileen mid ka mida dadkii Sheekha la joogay kadibna ay afduubeen Sheekha iyo wadaad la joogay oo lagu magacaabo Sheekh Maxa’ed Abshir Aadan.

C/Shakuur waxa uu shegay in Abihii uu san ku jirin wax siyaasad ah balse inta aan la’afduuban Dhoor jeer ay u soo hanjabeen Shaqsiyaad ka tirsan Alshabaab. Waxa uu intaa ku daray C/Shakuur in Aabihii uu ka tirsanaa Culumaau diinka Ahlu suna Waljamaaca kuwooda ugu caansan dalka Somaliya iyadoo si weyn looga garanayay Gobalka Galgaduud gaar ahaan deegaano ku xeeran Dagmada gal hareeri oo uu ku lahaa Xer ama Jamaaco Waxaana Sheekha intaa usii dheereed sida wiilkiisa uu inoo sheegay in uu quudinjiray 473 Qoys oo Daganaa xerooyin ku yaala deegaano ku xeeran Dagmada Galhareeri mudo 43 Sano ah.

Hasayeeshee taariikhdu Markey aheed 03/06/09 wax yar ka hor inta aan la afduuban ayuu ka soo tagay deegaanadaa isagoo yimid Muqdisho si uu halkaa uga sii aado Xajka balse inta uusan Muqdisho ka tagin ayaa la afduubay. Waxaa dhinaca kale Afduubka Sheekha saameen ay ku yeelatay Dadkii uu Quudinjiray oo ayan jirin cid u maqan sida uu xaqiijinyo C/Shakuur Sh,Maxamad oo ah wiilka uu dhalay sheekha .