Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Iraan Oo Ugu Baaqday Sacudiga Iney Joojiyaan Tumaatida Iyo Dilka Bulshada Sokeeye Ee Shiicada Yamen

Friday - January 15, 2010

Xukuumada Dalka Sucuudiga ayaa beenisay eedaymo uu usoo jeediyey Madaxweynaha Dalka Iran Ahmedinajad oo sheegay in Sucuudigu ka barbar dagaalamayo Ciidamada Yemen oo dagaal kula jira bulshada Mucaaradka shiicada ee Waqooyiga Dalka Yemen.

Madaxweyne Ahmedinajad ayaa si adag uga hadlay wuxu ugu yeeray gardarada Sucuudiga ee ka dhanka ah Shiicada la dagaalamaysa Yemen isagoo arrinta ka hadlayana wuxu yir " Sucuudiga waxa laga filayey inay dhexdhexaadiyaan Khilaafka Yemen Gudaheeda ka jirta sidii walal wayn oo kale oo ay soo celiyaan Nabada Wadanka Muslimka ah, ee lagama filayn inay Weerar Military oo Cirka ah ku qaado oo ay Bom la dhacdo Dadka Rayidka ah ee Muslimka ee Waqooyiga Yemen"

Hadalka Madaxweynaha Iran waxa isagu ka jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibada Sucuudiga Sucuud Al-Faysal isagoo beeniyey in xukuumada Sucuudiga ay dagaal kula jirto Kooxaha Shiicada Mucaaradka ah oo ay la safan tahay Yemen

" Ma garanayo meesha uu ka helay (Ahmedinajad) eedaymahan uu ku sheegayo inay Boqortooyado dagaal kula jirto Shiicada Xowdiyiinta" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Sucuudiga Al-Faysal.

wuxuna intaa ku daray in xataa Kooxaha Mucaaradka Shiicadu aanay sheegin eedaynta uu Madaxweynaha Iran sheegayo, wuxuna Wasiirku ku eedeyey Iran inay iyadu baaritanka ugu jirto Arrimaha Gudaha Yemen oo faro galin ku hayso.

Erayadan kulul ee ay is waydaarsanayaan Iran iyo Sucuudigu ayaa kusoo beegmaya iyadoo xaalada Dalka Yemen ka sii darayso waxana ugu dambeyey ku dhawaad 150 Wadaada Waaweyn ee Yemen oo sheegay in haddii xoogag shisheeye dalkooda soo galaan ay iclaamin doonan Jihaad ka dhan ah, iyagoo ula jeeda Warar Saxaafadu baahinayso oo sheegaya in laga yaabo in Maraykanka iyo Xulafadiisa oo ugu horeeyan Ingiriisku ay ciidamo u diraan Yemen.