Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Xisbi Islaamki Roor Iyo Dhig Mooye Raadki Nabada Diiday Oo Maanta Khasaaro Darteed Lawgi Laabay

Wednesday - January 20, 2010

Waayahaan dambe hawlwadeenada Uruurka xisbi islaam ayaa si xawli ah Xeryaha qaxootiga afgooye iyo meelo kalaba ku afduubta dhalinyaro da'yar oo aan baaluq ahayn badanaana ka soo jeeda qoysas maata aada u tabaaleysan iyo kuwa dagaaladi agoonteeyey waxayna dhalintaas oo gaareysa illa 300 ay ku xareysteen meel aan sidaas uga si fogeyn degmada Afgooye halkaaso ay ku qaataan casharo alifka loogu taagayo intaan edebta loo sheegin iyo wax u eg hab muxaadaro oo dagaalka jihaadka loogu merqaamiyo si cadawga malabka dhex jiifa kuna xoogay kursiga madaxtinimada dhagar iyo xeel waa shariifyade loo didiyo, hasa haate saacadaha inta badan waxay qaataan tababaro aan sidaasu u micno badneyn oo u badan cararka iyo soo orodka oo ku saleysan naftu orod bay kugu Aamintaa.

Ururka Xisbul Islaam ayaa saaka baadigoob xoogan ugu jira qaar ka mid ah Ciidamadooda oo gaaraya Boqolaal oo xeryihii tababarka ka goostay, kadib markii Ciidamadaas lagu uruurinayay ay si dhuumaaleysi uga baxeen waxaana warku sheegaya in inta xeryaha ku harteyna ayen cago ku taagneyn oo waalidiintoodi u gacan haadinayaan ineysan dagaalada aadin balse meesha ay u  joogaan kaliya xaga dhuuniga

Ciidamada Xisbul Islaam ayaa saaka baaritaano kula dhaqaaqay gaadiidka isaga kala goosha inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoona shaki kaga qaba in Ciidamada ka goostay ku dhex dhuunteen gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan oo watay qoryaha fud fudud loo diyaarinayay in gurmad ahaan loo geeyo Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa mar kaliya la waayay qaar ka mid ciidamada oo sida la sheegay u gooyay.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay dhinaca howdka ah galeen, ayna soo abaareen magaalada Muqdisho, waxaana sida la sheegay ka biya diidanaayeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Gobolka Hiiraan iyo gabi ahaanba dagaalka sokeeye oo aan xikmada ku fadhin

Dadka ku dhaqan deegaanada loo barakacay ayaa sheegaya in Gaadiidka kala duwan ee ku safra wadadaas ay baaritaano xoogan ku sameynayaan Xisbul Islaam, iyagoo doonaya in ay ka helaan Ciidamadii ka dhuuntay.